Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Magaalada Baydhabo oo laga dareemayo cabsi dagaal iyo barakac cusub

Dad rayid ah ayaa ka barakacaya xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo, iyadoo magaalada laga dareemayo cabsi xooggan oo laga qabo in uu mar kale qarxo dagaal culus. Qoysas badan ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalada, iyagoo carruurtooda wata,…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 5, 2026, 12:42 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Magaalada Baydhabo oo laga dareemayo cabsi dagaal iyo barakac cusub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dad rayid ah ayaa ka barakacaya xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo, iyadoo magaalada laga dareemayo cabsi xooggan oo laga qabo in uu mar kale qarxo dagaal culus. Qoysas badan ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalada, iyagoo carruurtooda wata, una jihaysanaya deegaanada ku dhow duleedka Baydhabo.

Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya dad rayid ah oo ka guuraya guryahooda, xilli xaaladda amni ay weli tahay mid kacsan. Barakaca ayaa u muuqda mid baaxad leh, waxaana dadka qaar ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin in dagaallo kale ay ka dhacaan gudaha magaalada.

Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goob ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo ay isku hayaan maamulka magaalada iyo dhinaca siyaasadeed ee hoggaamiye Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageeraysa maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe, taas oo muranka siyaasadeed ka dhigtay mid si toos ah ugu milmay xaaladda amni ee magaalada.

Xiisadda ayaa si weyn u kacday Khamiistii la soo dafay, markaas oo Baydhabo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno la safan Laftagareen. Dagaalka ayaa sii xoojiyay walaaca shacabka, gaar ahaan iyadoo magaalada ay horey uga dhaceen iska horimaadyo soo noqnoqday.

Xalay dadka qaar aya habeenkii soo jeedeen iyagoo ka baqaa in dagaal kale uu qarxo

Xalay ayaa magaalada laga dareemayay cabsi xooggan, iyadoo dadka qaar ay habeenkii soo jeedeen, kana baqayeen in dagaal kale uu qarxo. Qaar ka mid ah qoysaska ayaa doorbiday inay ka fogaadaan goobaha ay u arkaan inay khatar ku sugan tahay, iyagoo u dhaqaaqay dhanka duleedka magaalada.

Cabsida hadda jirta ayaa sidoo kale la xiriirta suurtagalnimada weerar aargoosi ah oo ay ciidamada taageera Laftagareen ku qaadaan Baydhabo, kaddib weerarkii ka dhacay guriga Taliye Shub ee degmada Doolow. Inkastoo dhinacyadu ay siyaabo kala duwan uga hadleen dhacdada Doolow, haddana weli ma cadda cidda ka dambeysay weerarka iyo in uu xiriir toos ah la leeyahay xiisadda Baydhabo.

Xaaladda ayaa sii adkeynaysa walaaca shacabka, iyadoo dadka rayidka ah ay ka cabsi qabaan in iska horimaad cusub uu sababo khasaare iyo barakac intaas ka badan. Ilaa hadda, dadaallada lagu dejinayo xiisadda iyo ka hortagga dagaal kale ayaa ah arrin si weyn isha loogu hayo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.