Wararka24: Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab ay tan iyo 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca howlgalada ah.
Sida uu qoray wargeysku, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Xuutiyiinta ka heshay hub casri ah iyo tababar la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Xiriirka labada dhinac ayaa lagu sheegay inuu ka gudbay xiriir xaddidan, iyadoo la sameeyay wada-shaqeyn dhinacyo badan taabanaysa.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay raadinayeen taageero farsamo oo u sahli karta inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya. Arrintan ayaa sare u qaadi karta awoodda kooxda ee la socodka maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegay in Jibriil Yaxye Cali, oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, uu door muhiim ah ku lahaa dhismaha xiriirka labada dhinac. Wargeysku wuxuu sheegay in Jibriil uu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.
Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, sida uu sheegay wargeysku. Dhimashadiisa ayaa timid xilli xiriirka u dhexeeya labada kooxood uu ahaa mid ay hay’adaha amniga si dhow ula socdeen.
Sida wargeysku qoray, Al-Shabaab ayaa sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar. Wakiilka ayaa la sheegay inuu gudbiyay liis ay ku jireen hub iyo qalab milatari oo ay kooxdu doonaysay, oo ay ka mid ahaayeen gantaallo lidka diyaaradaha, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka.
Liiskaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu ka koobnaa qalabka aragga habeenkii iyo agab kale oo milatari. Wargeysku wuxuu sheegay in xogtan ay muujinayso in labada dhinac ay raadinayeen sidii loo xoojin lahaa awooddooda militari iyo farsamo.
Wall Street Journal ayaa intaas ku dartay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya. Hubka ayaa la sheegay in markii dambe loo gudbinayo cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan koonfurta Soomaaliya.
Saraakiil Mareykan ah oo uu soo xigtay wargeysku ayaa aaminsan in iskaashiga labada kooxood uu siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Saraakiisha ayaa sidoo kale ka digay in xiriirkaasi uu khatar ku keeni karo amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.







