Wararka24: Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yusuf Cali Xoosh, iyagoo dalbanaya in xilka laga qaado. Mooshinka ayaa loo gudbiyay Golaha Shacabka, waxaana loo xilsaray saaray guddi ka shaqeeya arrintiisa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mooshinku uu muddo soo socday, kaddib markii ay xildhibaannada ka dhex abuurmeen tabashooyin la xiriira waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wuxuu sheegay in maanta si rasmi ah loo horgeeyay Golaha Shacabka.
Xildhibaannada mooshinka wada ayaa Wasiir Cali Xoosh ku eedeeyay gaabis iyo waxqabad hoose oo ay sheegeen inuu ka jiro howlaha wasaaradda. Waxay si gaar ah u tilmaameen arrimaha amniga, colaadaha beelaha iyo khilaafaadka ka jira qeybo ka mid ah dalka.
Sidoo kale, xildhibaannadu waxay wasiirka ku dhaliileen inuu ku guuldarreystay inuu ka shaqeeyo xalinta khilaafaadka iyo colaadaha ka dhex dhaca beelaha Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale sheegeen in wasaaraddu aysan si wanaagsan uga jawaabin caqabadaha la xiriira xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ku eedeeyay inuu ka gaabiyay difaaca iyo horumarinta nidaamka federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa ka mid ah qodobada ay ku saleynayaan dalabkooda ku aaddan in xilka laga qaado wasiirka.
Mooshinka ayaa loo gudbiyay guddi loo xil saaray inuu ka shaqeeyo arrintiisa, iyadoo la filayo in guddigu uu qiimeeyo qodobada lagu soo oogay wasiirka iyo habraaca looga baahan yahay mooshinka. Kadib marka uu guddigu soo dhammeeyo shaqadiisa, waxaa la filayaa in arrinta dib loogu soo celiyo Golaha Shacabka.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dowladda federaalka Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe walaac ka muujinayay habka loo maareynayo arrimaha amniga, siyaasadda gudaha iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan waqtiga Golaha Shacabka ka doodi doono mooshinka ama mowqifka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee eedeymaha loo jeediyay. Haddii mooshinku u gudbo marxaladaha xiga, Golaha Shacabka ayaa yeelan doona doorka ugu dambeeya ee go’aaminta arrinta.







