Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo cusub ku tababaraysa gobolka Bakool

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar ciidan uga socda xero ku taalla degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyadoo la qorsheynayo inay ka qeyb qaataan howl-gallada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 28, 2026, 6:12 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo cusub ku tababaraysa gobolka Bakool
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar ciidan uga socda xero ku taalla degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyadoo la qorsheynayo inay ka qeyb qaataan howl-gallada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa lagu diyaarinayaa hawlo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo tababarkoodu qeyb ka yahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka ee ka howlgala koonfurta iyo bartamaha dalka.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa gaaray xerada tababarka, halkaas oo ay kormeer ku sameeyeen habka loo tababarayo ciidamada iyo goobaha ay askartu ku qaadanayaan casharrada militari.

Saraakiisha ayaa sidoo kale warbixinno ka dhageystay macallimiinta iyo tababarayaasha mas’uulka ka ah ciidamada. Waxay xog ka heleen heerka ay marayaan tababarka iyo diyaarinta cutubyada cusub.

Tababarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay xoogga saareyso dhismaha iyo tayeynta ciidamada qaranka, si ay si buuxda ugu diyaar garoobaan qaadista mas’uuliyadda amniga dalka.

Qorshahan ayaa sidoo kale qeyb ka ah marxaladda kala-guurka amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ay si tartiib ah ciidamada Soomaaliyeed ugu wareejinayaan mas’uuliyadda amniga goobaha ay hadda ka howlgalaan.

Dowladda ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu diyaarinayo cutubyo cusub oo ka tirsan xoogga dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan tababar ugu soo xiray ciidamo lagu soo tababaray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo loogu talagalay xoojinta howl-gallada amniga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

23 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.