Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada-hadlay iskaashi cusub oo ku saabsan dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed, oo loo qorsheynayo inay noqoto xarun lagu horumariyo hoggaaminta iyo tayada shaqaalaha dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali (Dhaay), ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qatar Leadership Centre, iyadoo diiradda lagu saaray sidii Qatar uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta akadeemiyadda.

Labada dhinac ayaa isku raacay in dhawaan la kala saxiixdo heshiis is-afgarad ah oo qeexaya iskaashiga la xiriira dhismaha iyo horumarinta Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale, iyo La-taliyaha Sare ee Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Uleex, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-hadallada ku saabsan mashruuca.
Qatar Leadership Centre oo xarunteedu tahay Dooxa ayaa ku takhasustay horumarinta hoggaamiyeyaasha, tababarka madaxda iyo sare u qaadista awoodda hay’adaha dowladda. Xaruntu waxay bixisaa barnaamijyo loogu talagalay madaxda sare, shaqaalaha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha soo kacaya.
Iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto dhismaha akadeemiyadda, oo diiradda saari doonta horumarinta xirfadaha hoggaamineed, maamulka dowliga ah iyo tayeynta shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka noqonaya qorshayaasha dowladda ee lagu xoojinayo hay’adaha qaranka iyo tayada maamulka. Sidoo kale, waxaa lagu talagalay in lagu diyaariyo jiil cusub oo hoggaan dowladeed leh aqoon iyo xirfado ku filan.
Heshiiska la qorsheynayo ayaa kusoo beegmaya xilli wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu booqasho rasmi ah ku joogo Qatar. Labada dal ayaa sannadihii u dambeeyay ballaariyay iskaashigooda dhinacyada kala duwan












