Wararka24: Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa iska fogeeyay eedeymaha dowladda federaalka ee ah inuu xiriir ama xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab.
Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ay ka dhasheen khilaaf u dhexeeya ciidamadiisa iyo ciidamo uu ku tilmaamay kuwo laga soo daabulay Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay weerarka u qaadeen sidii ay magaalada uga saari lahaayeen ciidamada uu ku tilmaamay kuwo soo galay Baydhabo, isla markaana ujeeddadu ahayd in xarunta maamulka Koonfur Galbeed dib loogu soo celiyo gacanta maamulkiisa.

Lafta-gareen ayaa si cad u sheegay in howlgalka ciidamadiisu uusan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab, isagoo beeniyay in uu kooxdaasi la sameystay iskaashi ama uu kaashaday dagaallada ka socda Baydhabo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Lafta-gareen ugu eedeysay inuu Al-Shabaab miciin biday, si ay isaga kaashadaan qalqal-gelinta amniga iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Lafta-gareen ayaa wax laga weydiiyay sababta uu markii hore uga baxay Baydhabo, isagoo sheegay in xilligaas uu haystay awood uu dagaal ku geli karo, balse uu go’aansaday inuu ka gaabsado si looga fogaado in shacabka iyo deegaanka ay waxyeello kasoo gaarto.
Wuxuu sheegay in xaaladda amni iyo cabashooyinka uu sheegay inay ka jiraan Koonfur Galbeed ay ku qasbeen inuu dib ugu soo laabto loollanka siyaasadeed iyo amni ee maamulka.
Hadallada Lafta-gareen ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay weli ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo dowladda federaalka iyo dhinacyada ku loollamaya hoggaanka Koonfur Galbeed ay isku hayaan mustaqbalka maamulka.








