Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Xiisada u dhexeysa Israa’iil iyo Turkiga oo xoogeysatay kadib duqeynta saldhig ku yala Suuriya

Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Turkiga ayaa sii xoogeysatay kadib markii duqeymo Israa’iil loo nisbeeyay lagu bartilmaameedsaday saldhigga Abu al-Duhur ee gobolka Idlib, waqooyi-galbeed Suuriya. Weerarka ayaa sababay burbur soo gaaray runway-ga iyo xarumaha saldhigga, balse lama soo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 22, 2026, 1:27 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xiisada u dhexeysa Israa’iil iyo Turkiga oo xoogeysatay kadib duqeynta saldhig ku yala Suuriya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Turkiga ayaa sii xoogeysatay kadib markii duqeymo Israa’iil loo nisbeeyay lagu bartilmaameedsaday saldhigga Abu al-Duhur ee gobolka Idlib, waqooyi-galbeed Suuriya. Weerarka ayaa sababay burbur soo gaaray runway-ga iyo xarumaha saldhigga, balse lama soo sheegin khasaaro nafeed.

Wararka laga helay dhinacyada ayaa sheegaya in siddeed duqeyn ay ku dhaceen saldhigga, kaas oo ku yaalla qiyaastii 70 kiiloomitir xadka Turkiga. Israa’iil ayaa sheegtay in tallaabadaasi la xiriirtay walaac laga qabo in ciidamo Turki ah la geeyo saldhigga, taas oo ay u aragto arrin amni oo xasaasi ah.

Dhanka kale, Turkiga ayaa cambaareeyay duqeynta, isagoo diiday in saldhigga loo qorsheeyay joogitaan ciidan oo Turki ah. Ankara waxay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Suuriya, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo iskaashiga milatari.

Mas’uuliyiin Suuriyaan ah ayaa sheegay in wafdi Turki ah uu booqday saldhigga maalintii ka horreysay weerarka, si uu u qiimeeyo shaqooyin dib loogu dayactirayay xarunta. Si kastaba, dowladda Suuriya waxay ku adkaysatay in aysan jirin qorshe lagu dhisayo saldhig Turki ah oo joogto ah halkaasi.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa digniin u diray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo ku eedeeyay inuu Turkiga u horseedayo xaalado khatar ah gudaha Suuriya. Ankara ayaa hadalladaas iyo duqeynta ku tilmaantay tallaabooyin aan sharci ahayn oo wax u dhimaya madax-bannaanida Suuriya.

Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna muujisay walaac ku saabsan dhacdada. Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suuriya, Tom Barrack, ayaa sheegay in weerarku ahaa “koror xiisadeed aan loo baahnayn”, isagoo xusay in Turkiga aan horay loogu wargelin duqeynta.

Barrack ayaa sheegay in Washington ay ka shaqaynayso hannaan lagu yareynayo khatarta iska horimaad toos ah oo dhex mara Israa’iil, Turkiga iyo Suuriya. Wuxuu sidoo kale sheegay in xiriirro joogto ah oo dhinacyadu yeeshaan ay muhiim u yihiin ka hortagga xaaladdu inay sii xumaato.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Turkiga uu sii ballaarinayo iskaashiga uu la leeyahay dowladda cusub ee Suuriya, halka Israa’iil ay si dhow ula socoto kobaca awoodda milatari ee Dimishiq iyo doorka Ankara ee dalkaas. Tani waxay sii adkeyn kartaa loollanka labada dal ee ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee Suuriya


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.