Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor, kuna sii jeeda magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud, isagoo halkaas uga sii gudbaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa safar ku maraya deegaannada Galmudug, iyadoo ujeeddada booqashadiisu ay tahay inuu ku kuur galo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 17, 2026, 3:33 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor, kuna sii jeeda magaalada Gaalkacyo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud, isagoo halkaas uga sii gudbaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa safar ku maraya deegaannada Galmudug, iyadoo ujeeddada booqashadiisu ay tahay inuu ku kuur galo xaaladaha amni iyo nololeed ee bulshada.

Xasan Sheekh waxaa safarka ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana magaalada Galinsoor kusoo dhaweeyay boqolaal qof oo shacabka deegaanka ah. Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyadoo booqashadu ay ahayd mid si weyn looga dareemay magaalada.

Madaxweynaha ayaa kulan uu bulshada kula yeeshay goob fagaare ah ugu baaqay dadka reer Galinsoor inay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaalada ay noqoto deegaan ay si nabad ah ugu wada nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka wada dega.

Xasan Sheekh ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaas oo gelinkii dambe ee shalay si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa halkaas uga soo baxay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, isagoo safarkiisa ku maraya dhulka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug. Puntland ayaa maalmo kahor digniin kasoo saartay qorshaha booqashada Xasan Sheekh ee Gaalkacyo, iyadoo walaac ka muujisay saameynta ay safarku ku yeelan karto xaaladda magaalada.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in Madaxweynaha uu booqan doono koonfurta Gaalkacyo oo ka tirsan Galmudug. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in safarka Madaxweynaha uu qorshaysan yahay, isagoo diiday digniinta Puntland.

Xiisadda labada dhinac ayaa sii xoogeysatay kadib dhacdooyin amni oo dhawaan ka dhacay Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhow. Iska-horimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Garoowe uu isu beddelo loollan amni.

Safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa sidaas kusoo aadaya xilli xaaladda gobolka Mudug si dhow loo eegayo. Waxaa la sugayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha qaadi doono iyo saameynta booqashadiisu ku yeelan karto xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo Puntland.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

2 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.