• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor, kuna sii jeeda magaalada Gaalkacyo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 weeks ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Xasan Sheekh oo gaaray Galinsoor, kuna sii jeeda magaalada Gaalkacyo
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud, isagoo halkaas uga sii gudbaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa safar ku maraya deegaannada Galmudug, iyadoo ujeeddada booqashadiisu ay tahay inuu ku kuur galo xaaladaha amni iyo nololeed ee bulshada.

Xasan Sheekh waxaa safarka ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana magaalada Galinsoor kusoo dhaweeyay boqolaal qof oo shacabka deegaanka ah. Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyadoo booqashadu ay ahayd mid si weyn looga dareemay magaalada.

Madaxweynaha ayaa kulan uu bulshada kula yeeshay goob fagaare ah ugu baaqay dadka reer Galinsoor inay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaalada ay noqoto deegaan ay si nabad ah ugu wada nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka wada dega.

Xasan Sheekh ayaa xalay ku hoyday magaalada Cadaado, halkaas oo gelinkii dambe ee shalay si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa halkaas uga soo baxay Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, isagoo safarkiisa ku maraya dhulka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug. Puntland ayaa maalmo kahor digniin kasoo saartay qorshaha booqashada Xasan Sheekh ee Gaalkacyo, iyadoo walaac ka muujisay saameynta ay safarku ku yeelan karto xaaladda magaalada.

Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in Madaxweynaha uu booqan doono koonfurta Gaalkacyo oo ka tirsan Galmudug. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in safarka Madaxweynaha uu qorshaysan yahay, isagoo diiday digniinta Puntland.

Xiisadda labada dhinac ayaa sii xoogeysatay kadib dhacdooyin amni oo dhawaan ka dhacay Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhow. Iska-horimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Garoowe uu isu beddelo loollan amni.

Safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa sidaas kusoo aadaya xilli xaaladda gobolka Mudug si dhow loo eegayo. Waxaa la sugayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha qaadi doono iyo saameynta booqashadiisu ku yeelan karto xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo Puntland.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.