Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo ku adkeysatay safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacyo kadib digniintii Saciid Deni

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagayo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamul-goboleedka Galmudug, kadib digniin kasoo baxday Puntland oo ku saabsan booqashada Madaxweynaha. Dowladda ayaa sheegtay in safarka Xasan Sheekh…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 15, 2026, 5:40 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DF oo ku adkeysatay safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacyo kadib digniintii Saciid Deni
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tagayo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamul-goboleedka Galmudug, kadib digniin kasoo baxday Puntland oo ku saabsan booqashada Madaxweynaha. Dowladda ayaa sheegtay in safarka Xasan Sheekh uu ka dhacayo dhulka Galmudug.

Walaaca Puntland ay ka muujisay safarka Madaxweynaha

Puntland aya walaac ka muujisay ujeeddada iyo saameynta ay booqashadu ku yeelan karto xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo ujedada. Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto qorshaha safarka Madaxweynaha, iyadoo ku eedeysay dowladda Federaalka inay waddo abaabul ay ku tilmaantay mid ka dhan ah nabadadeda. Maamulka ayaa sidoo kale ka digay in booqashada ay abuuri karto xiisad cusub oo ka dhalata Gaalkacyo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu tegayo koonfurta Gaalkacyo, isagoo xusay in magaaladaasi ay ka tirsan tahay Galmudug. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uusan cid gaar ah marti uga ahayn safarka, isagoo ka hadlayay digniinta kasoo baxday Puntland.

Fiqi oo Deni ku edeyay inuu taageeray dhinacyo shisheeye iyo kala go’a Soomaaliya

Wasiirka ayaa dhanka kale si adag uga hadlay Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inuu mowqifyo ka qaatay arrimo uu ku tilmaamay kuwo ka hor imaanaya dowladda Federaalka. Fiqi ayaa sidoo kale Deni ku eedeeyay inuu taageeray dhinacyo shisheeye iyo kala go’a Soomaaliya, eedeymahaas oo ka mid ah khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si weyn uga muuqanaysay gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Labada dhinac ayaa isku haya arrimo siyaasadeed iyo amni, iyadoo magaalada ay horey uga soo gudubtay colaado iyo iska-horimaadyo soo noqnoqday.

4-tii Agoosto, Puntland ayaa sheegtay in hub laga dejiyay koonfurta Gaalkacyo, iyadoo ku eedeysay dowladda Federaalka inay u waday ciidamo ku sugan waqooyiga magaalada. Hubkaasi ayaa markii dambe galay gacanta koox hubeysan, waxaana dhacay iska-horimaadyo la xiriiray dhacdada.

Maalintii xigtay, ciidamada Puntland ayaa dagaal la galay ciidamo ka tirsanaa PSF, kuwaas oo lagu sheegay inay xiriir la lahaayeen dowladda Federaalka. Ciidamada Puntland ayaa markii dambe la wareegay xeradii ay ciidamadaasi ku sugnaayeen waqooyiga Gaalkacyo.

Xiisadaha ka taagan Gaalkacyo ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland uu isu beddelo loollan amni. Safarka la qorsheeyay ee Xasan Sheekh ayaa sidaas kusoo aadaya xilli labada dhinac ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo siyaasadeed, amni iyo maamulka awoodaha dowladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

2 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.