• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Ciyaaraha

Ciyaaryahanka Newcastle United Isak oo Doonaya inuu ku Biiro Liverpool

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Newcastle United
Share

Ciyaaryahan weerarka ah ee Newcastle United Alexander Isak ayaa go’aansaday inuu ka taggo kooxda hadda ku ciyaara si uu ugu biiro Liverpool. Wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanka rer Sweden ah uu doonayo inuu ku biiro kooxda Liverpool ka hor inta uusan dhamaan wakhtiga kala iibsashada.

Liverpool ayaa soo bandhigtay lacag dhan 110 milyan oo baawnd si ay u soo iibsato Isak, balse Newcastle way diidday. Kooxda Liverpool ayaa ka dib sheegtay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan wada hadalada.

Tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaa sheegay in wax walba ay suurtagal yihiin marka la eego mustaqbalka Isak. Wuxuu intaa ku daray in aan karin inuu ciyaaryahanka ku daro qorshihiisa hadda.

Isak ayaa laga filayaa inuu ka maqnaado ciyaarta hore ee Newcastle laciyaareyso kooxda Aston Villa Sabtigi. Ciyaaryahanka ayaa ka maqnaa safarka ay kooxda ku aaday Bariga Fog asia sabab la xiriira dhaawac khafiif ah oo luga ah.

Isak ayaa ka dib keligii ku tababaranayey garoonka kooxdisii hore ee Real Sociedad, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Ingiriiska todobaadkii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka ayaa xilli ciyaareedki la soo dhaafay 27 gool u dhaliyay kooxda newcastle 42 ciyaar oo uu usaftay kooxda. Wuxuu leeyahay qandaraas saddex sano ah Newcastle.

Newcastle ayaa ku guul darraysatay dhawr isku day oo ay ku doonaysay ciyaarahan weerarka ah. Ciyaarahan Liam Delap ayaa doortay Chelsea, Benjamin Sesko wuxuu doortay Manchester United, halka Hugo Ekitike uu u kacay Liverpool.

Newcastle weli way xiisaynaysaa ciyaaryahan Brentford Yoane Wissa. Ciyaaryahanka ayaa ka tagay xerada tababarka Brentford bishii July sabab la xiriira rabitaankiisa inuu ku biiro Newcastle.

Ciyaaryahanka 28 jir ah ayaa dib ugu laabtay tababarka kooxda todobaadkii la soo dhaafay ka dib wada hadal wanaagsan oo uu la yeeshay tababaraha Keith Andrews.

Kooxda Newcastle ayaa ku dhow tahay inay soo iibsato difaacaha AC Milan Malick Thiaw. Difaacuhu wuxuu la filayaa inuu u duulo Newcastle Axaddii si uu u dhammeeyo wareejinta 34.62 milyan oo baawnd ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.