• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho
Share

Wararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo habraacyada loogu talagalay qabsoomidda doorashada.‎

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeertay goobta loo diyaariyay doorashada, iyadoo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).‎‎

Mas’uuliyiintu waxay hubiyeen diyaar-garowga goobta, nidaamka cod-bixinta, habraacyada doorashada iyo agabka loo diyaariyay xildhibaannada. Sacdiya Yaasiin ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.‎‎

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamaya laba musharrax oo kala ah Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabdullaahi Cumar. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa berri codkooda ka dhiiban doona doorashada lagu go’aaminayo qofka hoggaamin doona golaha.‎‎

Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay wajahayo marxalad siyaasadeed oo muhiim ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka. Natiijada doorashada ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato hoggaanka iyo howlaha Golaha Shacabka muddada soo socota.‎‎

Mas’uuliyiinta Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ilaaliyaan nidaamka iyo xasilloonida inta ay socoto doorashadu, si cod-bixintu ugu dhacdo jawi ammaan ah oo waafaqsan habraacyada baarlamaanka.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.