• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, July 22, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
3 hours ago
Reading Time: 2 mins read
Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Wararka Ugu Aqrintabadan

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

3 hours ago
Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub

Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub

3 hours ago
Load More
Share

Alle ha u naxariistee, Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, oo ka mid ahaa hal-abuurkii ugu magaca dheeraa suugaanta Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isagoo ka tagay dhaxal suugaaneed oo si weyn loogu xasuusan doono.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Caynaba ee gobolka Sool sannadkii 1948. Waxbarashadiisa Qur’aanka Kariimka ah iyo tan aasaasiga ah ayuu ku bilaabay magaalada Burco, ka hor inta uusan u jeesan hal-abuurka suugaanta, halkaas oo uu ka noqday mid ka mid ah abwaannadii ugu saameynta badnaa fanka Soomaaliyeed.

Aadan Tarabi wuxuu curiyey heeso badan oo caan noqday, kuwaas oo ay qaadeen fannaaniin caan ah. Waxaa ka mid ahaa heesihiisa Goor iyo Ayaan, Bal Dawooy, Gacan Saydh, Yufloo, iyo Dar Allaad u Hurudaa, kuwaas oo si weyn uga dhex muuqda sooyaalka fanka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale qoray riwaayado ay ugu caansan tahay Ma Ogtahay, oo ay jilayeen fannaaniin iyo jilayaal caan ahaa.

Marxuumka wuxuu ka mid ahaa abwaannadii hormuudka ka ahaa silsiladdii suugaaneed ee Deelley, taas oo lagu soo bandhigi jiray dhaliilihii loo jeedin jiray dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska Somaliland iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo sheegay in Aadan Tarabi uu ahaa abwaan hibadiisa iyo hal-abuurkiisa ugu adeegay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana raad muuqda ku reebay suugaanta, dhaqanka iyo fanka. Wuxuu Alle uga baryay inuu janatul firdowsa ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelladiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Geerida Abwaan Aadan Tarabi Jaamac Alle ha u naxariistee ayaa murugo ku noqotay bahda suugaanta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii weynayd ee uu ka qaatay kobcinta fanka, suugaanta iyo ilaalinta hidde-dhaqameedka Soomaalida, isagoo ka tagay dhaxal facyaal badan sii dhex noolaan doona.

Share
Tags: Madax weynaha Xasan SheekhpuntlandSomalilandwararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Next Post

Xiisad ka Taagan Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

Related Posts

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

by Yasmin Jamal
3 hours ago

Wararka24: Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta...

Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub

Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub

by Yasmin Jamal
3 hours ago

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha...

Baarlamaanka Turkiga oo Laba Sano u Kordhiyay Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga oo Laba Sano u Kordhiyay Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

by Yasmin Jamal
4 hours ago

Wararka24: Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay qaraar lagu kordhinayo muddada ay ciidamada qalabka sida ee Turkigu ka howlgalayaan Soomaaliya...

Sacuudi Carabiya oo cambaareysay hanjabaadda Xuutiyiinta ee ka dhan ah maraakiibteeda

Sacuudi Carabiya oo cambaareysay hanjabaadda Xuutiyiinta ee ka dhan ah maraakiibteeda

by Amin Cali Abdi
24 hours ago

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay hanjabaaddii ay Xuutiyiinta Yemen ku sheegeen...

Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay go’doomin dhanka badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya

Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay go’doomin dhanka badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay soo rogtay waxa ay ku tilmaantay "go'doomin dhanka badda ah" oo...

Qadar oo Iiraan ka dalbatay magdhow kaddib weerarro ay ku eedeysay

Qadar oo Iiraan ka dalbatay magdhow kaddib weerarro ay ku eedeysay

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Dowladda Qadar ayaa warqado rasmi ah u dirtay Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo...

Load More

Recommended

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

3 months ago
Washington post

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

1 year ago
Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

1 week ago
Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

4 months ago
Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

3 weeks ago
Mahad Salaad

Mahad Salaad oo Mar Kale Loo Magacaabay Agaasimaha NISA

1 year ago
Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

4 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.