Wararka24: Cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay dejiyeen xiisad saacadihii u dambeeyay ka taagneyd dhul beereed u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar, Gaashaanle Cismaan Muuse Maxamed, ayaa sheegay in cutubyada Ururrada 141-aad, 144-aad iyo 145-aad ay si degdeg ah ugu baxeen goobta, halkaas oo ay ku kala dhex galeen dhinacyadii uu khilaafku u dhexeeyay, isla markaana ay ku guuleysteen inay dejiyaan xaaladda.
Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada ay sidoo kale dib u fureen kanaal biyood oo xirmay sababo la xiriiray xiisadda, si biyuhu mar kale u gaaraan dhulka beeraha ee deegaanka.
Gaashaanle Cismaan Muuse ayaa sheegay in aan la aqbali doonin dhiig ku daata iska horimaadyo uu ku tilmaamay kuwo aan waxba tarayn. Wuxuu xusay in xasilloonida bulshada ay muhiim u tahay sugidda amniga iyo ka hortagga in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato khilaafaadka ka dhasha deegaannada.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in howlgalka loo fuliyay sidii loo qorsheeyay, isagoo sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha deegaannada ay ka howlgalaan.


















