Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sheekh Shariif oo sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisi oo ay kumanaanka qof u dhinteen

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mabaadii’dii iyo halgankii uu sheegay in loo istaagay sannadkii 2006, xilli uu ka hadlayay kulan ay taageerayaashiisu ku muujiyeen…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 1:14 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Sheekh Shariif oo sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisi oo ay kumanaanka qof u dhinteen
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mabaadii’dii iyo halgankii uu sheegay in loo istaagay sannadkii 2006, xilli uu ka hadlayay kulan ay taageerayaashiisu ku muujiyeen garab istaag siyaasadeed.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mabaadi’daas ay ku naf waayeen kumannaan Soomaali ah, isla markaana ay waajib tahay in la ilaaliyo. Wuxuu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay taageeraan waxa uu ku tilmaamay mashruuc lagu dhisayo dowlad caddaalad ku dhisan, dibna loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed.

“Kama tanaasuli karno mabaadii’dii aan u istaagnay 2006 iyo wixii ka dambeeyay, ee wiilal badan ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Ma aha wax laga tanaasuli karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in abaalmarinta ugu wanaagsan ee loo hayo dadkii ku naf waayay ama ku dhaawacmay halgankaas ay tahay in la helo dowlad ku dhisan caddaalad, midnimo iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, taas oo adeegyo siman gaarsiisa shacabka.

Sheekh Shariif, oo hoggaaminayay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah sannadkii 2006, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga faa’iideysto waayo-aragnimadii laga dhaxlay marxaladihii adkaa ee dalka soo maray, si loo ilaaliyo dowladnimada loogana hortago dib-u-dhac siyaasadeed iyo kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Hawiye, inay door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada dalka iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan is-afgarad siyaasadeed.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay musuq-maasuq, caburin siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho. Wuxuu sheegay in mucaaradku ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa dowlad caddaaladdeedu gaarto dhammaan gobollada dalka, isla markaana go’aannada masiiriga ah lagu gaaro wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira geeddi-socodka siyaasadda dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

7 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.