• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Midowga Yurub iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo amniga Badda Cas

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Midowga Yurub iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo amniga Badda Cas
Share

Wararka24: Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa 16-kii July 2026 si rasmi ah u kala saxiixday heshiis la xiriira howlgalka badda ee EUNAVFOR ASPIDES, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga badda iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiska ayaa dejinaya qaab-dhismeedka sharci ee hagaya joogitaanka iyo howlaha ciidamada iyo shaqaalaha ka qeyb qaadanaya howlgalka ASPIDES. Waxa kale oo uu xoojinayaa wada-shaqeynta lagu horumarinayo amniga Badda Cas iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Howlgalka EUNAVFOR ASPIDES waa hawlgal difaac oo uu Midowga Yurub u aas-aasay ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Howlgalkan ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsiga ugu muhiimsan caalamka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Yurub iyo Jabuuti ayaa lagu sheegay in saxiixa heshiiskan uu muujinayo kalsoonida iyo sida ay uga go’an tahay labada dhinac xoojinta nabadda, amniga iyo iskaashi ku saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga ah, xasilloonida gobolka iyo wada-shaqeynta dhinacyada badan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Midowga Yurub uu sii ahaanayo lammaane istaraatiiji ah oo muhiim u ah Jabuuti, iyadoo goobta juqraafiyeed ee dalkaasi iyo kaalinta uu ku leeyahay amniga gobolka ay ka dhigayaan xubin muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha wadajirka ah iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta.

Labada dhinac ayaa muujiyay rajadooda ku aaddan sii xoojinta iskaashiga si loo gaaro himilooyin wadajir ah oo la xiriira amniga, xasilloonida iyo horumar waara ee gobolka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.