Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, shacabka iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa masuul qaran oo door muuqda ka qaatay horumarinta hay’adaha difaaca, xoojinta amniga iyo kor u qaadidda doorka Jabuuti ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in marxuum Xasan Cumar Maxamed uu si dhow uga qeyb qaatay dadaallada lagu taageerayay Soomaaliya, isaga oo door muhiim ah ku lahaa iskaashiga amni ee labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jabuuti xilligan murugada leh, isagoo tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee walaaltinimo, iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya labada dal.
Geerida Xasan Cumar Maxamed ayaa la xaqiijiyay shalay. Marxuumka ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti hayay tan iyo sanadkii 2019, waxaana mar kale loo magacaabay xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee dalkaas sanadkan 2026.
Marxuumka ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii uu ka qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Jabuuti, iyo dadaalladii uu ku xoojinayay iskaashiga amni ee gobolka.


















