• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi ka sare oo ka socday Imaaraadka Carabta, kaas oo uu horkacayay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa daba-socday wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray labada madaxweyne, kaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee labada dowladooda.

Wasiiru-dowlaha maanta la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa soo gaarsiiyey dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid, oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Somaaliya ayaa guddoomay farrinta, isagoo uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Taageerada Imaaraadka iyo dhaqaalaha Soomaaliya

Dowladda Soomaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka, si gaar ah waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka ciidamada qaar, kabka miisaaniyadda, iyo lacago kale oo mararka qaar ay dowladdu u baahato.

Dhowaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas.

Safarkaan uu dhalax-sugaha Imaaraadku ku yimid Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.

Waxaa xusid mudan in dhowr mar Imaaraadku uu dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadiyey hufnaan u maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan, iyadoo mar ay dalbadeen baaritaan. Balse saraakiishii loo xilsaaray baaritaankaas ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey markii saraakiishaas la dilay, waxaa is bedeshay firfircoonidii Imaaraadku la garab taagnaa Soomaaliya. Waxayna Xasan Sheekh u muujiyeen in dhabarka ay xijiyeen, iyagoo ka wareegay dhanka Soomaliland iyo maamul goboleedyada kale qaar, ilaa ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.