Wararka24: Xiisad u dhexeysa beesha Biyomaal iyo qaar ka mid ah beelaha Hiraab, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir, ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa tilmaamaya in xaaladda laga dareemayo deegaannada Janaale, Baqal, Xawaaloow iyo Lambar 60, halkaas oo laga cabsi qabo inay ka dhalato isku dhac.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, muranka ayaa la xiriira maamulka iyo gacan-ku-haynta qaybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan dhulka u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Lambar 60. Saacadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dhinacyada ay wadeen hub urursi iyo kulamo ay kaga arrinsanayeen xaaladda taagan.
Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Biyomaal ayaa sheegay inay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan deegaanno ay ku doodayaan in laga qaaday. Dhankooda, odayaal ka tirsan beelaha Abgaal iyo Habar Gidir ayaa sheegay inay difaacan doonaan deegaannada ay deggan yihiin, iyagoo sheegay inay ka hortagayaan waxa ay ku tilmaameen hanjabaado.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in murannada ay dib u soo cusboonaadeen kadib markii deegaanno ka tirsan xeebaha gobolka laga saaray Al-Shabaab, taasoo sahashay in dadkii deegaanka ay dib ugu soo laabtaan. Dib-u-degsiinta iyo maamulka deegaannadaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin arrimaha sii hurinaya khilaafka.
Ganacsade lagu magacaabo Xasan Maxamed Fiidoow, oo sheegay in beer uu lahaa lagu gubay deegaanka Janaale, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u farageliyaan xaaladda, si looga hortago dagaal beeleed. Dhinacyada muranku u dhexeeyo ayaa isweydaarsanaya eedeymo ku saabsan falal amni-darro iyo barakicin.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugama hadlin xiisadda laga soo sheegayo gobolka Shabeellaha Hoose. Gobolka ayaa sidoo kale wajahaya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo laga digayo in khilaafaadka beelaha ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga saaray kooxda.


















