Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xiisad Colaadeed iyo Hub Aruursi laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Xiisad u dhexeysa beesha Biyomaal iyo qaar ka mid ah beelaha Hiraab, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir, ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa tilmaamaya in xaaladda laga dareemayo deegaannada Janaale, Baqal,…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 14, 2026, 2:56 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xiisad Colaadeed iyo Hub Aruursi laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xiisad u dhexeysa beesha Biyomaal iyo qaar ka mid ah beelaha Hiraab, gaar ahaan Abgaal iyo Habar Gidir, ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa tilmaamaya in xaaladda laga dareemayo deegaannada Janaale, Baqal, Xawaaloow iyo Lambar 60, halkaas oo laga cabsi qabo inay ka dhalato isku dhac.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, muranka ayaa la xiriira maamulka iyo gacan-ku-haynta qaybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan dhulka u dhexeeya magaalada Marka iyo deegaanka Lambar 60. Saacadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dhinacyada ay wadeen hub urursi iyo kulamo ay kaga arrinsanayeen xaaladda taagan.

Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Biyomaal ayaa sheegay inay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan deegaanno ay ku doodayaan in laga qaaday. Dhankooda, odayaal ka tirsan beelaha Abgaal iyo Habar Gidir ayaa sheegay inay difaacan doonaan deegaannada ay deggan yihiin, iyagoo sheegay inay ka hortagayaan waxa ay ku tilmaameen hanjabaado.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in murannada ay dib u soo cusboonaadeen kadib markii deegaanno ka tirsan xeebaha gobolka laga saaray Al-Shabaab, taasoo sahashay in dadkii deegaanka ay dib ugu soo laabtaan. Dib-u-degsiinta iyo maamulka deegaannadaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin arrimaha sii hurinaya khilaafka.

Ganacsade lagu magacaabo Xasan Maxamed Fiidoow, oo sheegay in beer uu lahaa lagu gubay deegaanka Janaale, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u farageliyaan xaaladda, si looga hortago dagaal beeleed. Dhinacyada muranku u dhexeeyo ayaa isweydaarsanaya eedeymo ku saabsan falal amni-darro iyo barakicin.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugama hadlin xiisadda laga soo sheegayo gobolka Shabeellaha Hoose. Gobolka ayaa sidoo kale wajahaya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo laga digayo in khilaafaadka beelaha ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga saaray kooxda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.