• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Dowladda Federaalka oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Dowladda Federaalka oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray askar lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen fal la xiriirta muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayo askar la sheegay inay ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, kadib markii muuqaal muujiyay shaqsiyaad ku labisan dareyska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku istaagaya calanka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in falkaasi uu si cad uga hor imaanayo qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana uusan ka tarjumayn mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dadka lagu tuhunsan yahay dhacdada la xiray, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo tallaabooyinka sharci iyo anshax ee laga qaadi doono.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka iyo anshaxa ciidamada, iyadoo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawici kara sumcadda ciidamada ama xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale muujisay inay qiimeyn weyn u hayso iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Mareykanka, kaas oo ay sheegtay inuu door muhiim ah ka qaatay taageerada howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidoo kale horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Gunaanadkii bayaanka, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay inay ixtiraam u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Washington.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.