Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay adeeg cusub oo ay shirkadda Meta qorsheyneyso inay kusoo kordhiso WhatsApp, kaas oo u saamaxaya isticmaaleyaasha inay adeegsadaan magac gaar ah (username) halkii laga isticmaali lahaa lambarka taleefanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 7, 2026, 5:05 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay adeeg cusub oo ay shirkadda Meta qorsheyneyso inay kusoo kordhiso WhatsApp, kaas oo u saamaxaya isticmaaleyaasha inay adeegsadaan magac gaar ah (username) halkii laga isticmaali lahaa lambarka taleefanka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa sheegtay in isbeddelkan uu keeni karo caqabado la xiriira dhinaca amniga, maadaama uu adkeyn karo aqoonsiga dadka adeegsanaya barnaamijka, xilli dalka uu weli wajahayo khataro amni iyo falal la xiriira dambiyada abaabulan.

Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan taageersaneyn hirgelinta adeeggan cusub, isaga oo xusay in arrinta ugu weyn ee walaaca dhalineysa ay tahay saameynta uu ku yeelan karo la socodka iyo ka hortagga falalka khatarta ku ah amniga qaranka.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay la wadaagto walaaca ay dalal kale ka muujiyeen isbeddelkan, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeelan karo awoodda hay’adaha amniga iyo kuwa sharci fulinta ee dabagalka dambiyada lagu fuliyo adeegyada casriga ah.

Hay’addu waxay sheegtay in dowladda ay waajib ka saaran tahay ilaalinta amniga isgaarsiinta dalka, isla markaana ay muhiim tahay in si taxaddar leh loo qiimeeyo adeeg kasta oo cusub oo lagu soo kordhiyo tiknoolajiyadda isgaarsiinta.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay in isbeddellada lagu sameeyo adeegyada dhijitaalka ah ay u baahan yihiin daraasad qoto dheer oo lagu eegayo saamaynta ay ku yeelan karaan amniga, gaar ahaan marka laga hadlayo la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo shabakadaha dambiyada abaabulan.

Doodda ku saabsan isku dheelitirka u dhexeeya ilaalinta asturnaanta isticmaaleyaasha iyo sugidda amniga ayaa sii xoogeysaneysa, xilli shirkadaha tiknoolajiyadda ay sii kordhinayaan adeegyada kor u qaadaya qarsoodiga iyo ilaalinta xogta dadka isticmaala aaladaha casriga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

24 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.