• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhaba ka dhagax dhigay waddo muhiim ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhaba ka dhagax dhigay waddo muhiim ah
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Baydhaba.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay mashruuca cusub ee lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si loo fududeeyo isu socodka gaadiidka iyo shacabka, isla markaana loo xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee Baydhaba.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in waddadani ay door muhiim ah ka qaadan doonto isku xirka garoonka diyaaradaha iyo xarumaha dowladda, iyadoo sidoo kale kor u qaadi doonta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo horumarka magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta mashaariicda la xiriira waddooyinka, garoomada iyo adeegyada aas-aasiga ah, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladdu sii wadi doonto mashaariicda lagu tayeynayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si loo abuuro fursado horumarineed oo waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.

Mashruucan cusub ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo bilicda magaalada Baydhaba iyo isku socodka gaadiidka, isagoo qeyb ka noqonaya qorshaha lagu casriyeynayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.