Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Taliye Mahad Salaad oo soo dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 5:43 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Taliye Mahad Salaad oo soo dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Salaad, xildhibaanno, wasiirro iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan Galmudug. Muuqaallo laga baahiyay garoonka ayaa muujinayay kulan salaan iyo is-xog wareysi ah oo dhex maray mas’uuliyiinta halkaasi ku sugnaa.

Qoor Qoor oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay ku soo dhammaatay is-afgarad, isla markaana la qorsheynayo hannaan doorasho oo lagu heshiiyay. Wuxuu xusay in wada-hadalladii dhacay ay horseedeen isfaham siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyadii ay khuseysay arrinta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in deegaannada maamulka ay u baahan yihiin xasillooni siyaasadeed iyo wada-shaqeyn si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Wararka siyaasadeed ee soo baxay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in Qoor Qoor iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareen heshiis la xiriira hannaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Galmudug. Ilo siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay qorshe uu mar kale ugu tartami lahaa xilka madaxweynaha maamulka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda federaalka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka.

Imaanshaha Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo is-afgaradka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-habaynta nidaamka siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.