• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Taliye Mahad Salaad oo soo dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Taliye Mahad Salaad oo soo dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor
Share

Wararka24: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Salaad, xildhibaanno, wasiirro iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan Galmudug. Muuqaallo laga baahiyay garoonka ayaa muujinayay kulan salaan iyo is-xog wareysi ah oo dhex maray mas’uuliyiinta halkaasi ku sugnaa.

Qoor Qoor oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay ku soo dhammaatay is-afgarad, isla markaana la qorsheynayo hannaan doorasho oo lagu heshiiyay. Wuxuu xusay in wada-hadalladii dhacay ay horseedeen isfaham siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyadii ay khuseysay arrinta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in deegaannada maamulka ay u baahan yihiin xasillooni siyaasadeed iyo wada-shaqeyn si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Wararka siyaasadeed ee soo baxay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in Qoor Qoor iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaareen heshiis la xiriira hannaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Galmudug. Ilo siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu uu ka tanaasulay qorshe uu mar kale ugu tartami lahaa xilka madaxweynaha maamulka.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda federaalka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka.

Imaanshaha Qoor Qoor ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo is-afgaradka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-habaynta nidaamka siyaasadeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.