• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mareykanka oo ka hor yimid taageerada Qaramada Midoobay ee AUSSOM

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo ka hor yimid taageerada Qaramada Midoobay ee AUSSOM
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay ka hor istaagi doonto taageerada ay Qaramada Midoobay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM laga bilaabo bilowga sanadka soo socda, sida ku cad dukumenti diblomaasiyadeed oo la soo bandhigay.

Go’aankan ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan kara howlgalka AUSSOM, kaas oo door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa ku sugan ku dhowaad 12,000 oo askari oo ka socda dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Howlgalka AUSSOM aya si weyn ugu tiirsan taageerada ay bixiso xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS, kaas oo mas’uul ka ah adeegyada sahayda, raashinka, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidanka.

Qoraal diblomaasiyadeed oo ku taariikheysan 1-da Luulyo ayaa lagu sheegay in Washington ay Midowga Afrika ku wargelisay inaysan taageeri doonin sii wadista maalgelinta iyo adeegyada ay UNSOS siiso howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan. Miisaaniyadda UNSOS ayaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 500 milyan oo dollar.

Mareykanka ayaa sheegay inuusan ka hor imaan doonin cusbooneysiinta muddo xileedka AUSSOM ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse uu diidi doono wixii taageero dheeraad ah oo dhinaca sahayda, adeegyada farsamada ama hawlgalka ah ee loo qorsheeyo howlgalka.

Guddiga Midowga Afrika ayaa xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka ku wargeliyay in go’aanka Mareykanka uu yeelan karo saameyn ku saabsan joogitaanka ciidanka, helitaanka sahayda iyo maalgelinta howlgalka. Diblomaasiyiin la socda arrimaha amniga ayaa sheegay in AUSSOM ay wajihi karto caqabado waaweyn haddii aan la helin taageero kale oo beddesha kaalinta Qaramada Midoobay.

Qoraalka Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado la xiriira xasilinta dalka, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo xoojinta awoodda ciidamada qaranka. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan mowqifka cusub ee Washington.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.