Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Muqdisho oo si weyn looga xusay 66-guurada 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu xusay 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 1, 2026, 5:33 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Muqdisho oo si weyn looga xusay 66-guurada 1-da Luulyo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu xusay 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si heer sare ah u abaabushay munaasabadda sanadkan, iyadoo lagu soo bandhigay awoodaha ciidamada qalabka sida iyo qalab ciidan oo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa dabaal-degga maalinta qaran.

Cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Ciidanka Asluubta ayaa ka qeyb galay xuska, iyagoo soo bandhigay dhoolla-tusyo iyo bandhigyo ciidan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Gaadiidka ciidamada, fardaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado hawlaha amniga ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, waxaana munaasabadda ka muuqday ka qeybgal ballaaran oo ay sameeyeen shacabka Muqdisho.

Diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa sanadkii labaad ka qeyb qaatay dabaal-degga 1-da Luulyo, iyagoo dulmar ku sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, taas oo soo jiidatay indhaha shacabka iyo martida ka qeyb gashay xafladda.

Madaxda ugu sarreysa dalka, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda, iyagoo daawanayay bandhigyada ay soo diyaariyeen ciidamada qalabka sida.

Xuska sanadkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda ay sheegtay inay horumar ka sameysay dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada qaranka, iyadoo la xoojiyay tayada tababarrada, qalabka iyo awoodaha ciidanka Soomaaliyeed.

Munaasabadda 1-da Luulyo ayaa ah maalin taariikhi ah oo xambaarsan xusuusta halgankii gobannimada, midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana sanad walba si weyn looga xusaa guud ahaan dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

3 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

3 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

4 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

4 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.