Wararka24: Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu xusay 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si heer sare ah u abaabushay munaasabadda sanadkan, iyadoo lagu soo bandhigay awoodaha ciidamada qalabka sida iyo qalab ciidan oo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa dabaal-degga maalinta qaran.
Cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Ciidanka Asluubta ayaa ka qeyb galay xuska, iyagoo soo bandhigay dhoolla-tusyo iyo bandhigyo ciidan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.
Gaadiidka ciidamada, fardaha iyo qalabka kale ee loo adeegsado hawlaha amniga ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, waxaana munaasabadda ka muuqday ka qeybgal ballaaran oo ay sameeyeen shacabka Muqdisho.
Diyaaradaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa sanadkii labaad ka qeyb qaatay dabaal-degga 1-da Luulyo, iyagoo dulmar ku sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Banaadir, taas oo soo jiidatay indhaha shacabka iyo martida ka qeyb gashay xafladda.
Madaxda ugu sarreysa dalka, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda, iyagoo daawanayay bandhigyada ay soo diyaariyeen ciidamada qalabka sida.
Xuska sanadkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda ay sheegtay inay horumar ka sameysay dib u dhiska iyo casriyeynta ciidamada qaranka, iyadoo la xoojiyay tayada tababarrada, qalabka iyo awoodaha ciidanka Soomaaliyeed.
Munaasabadda 1-da Luulyo ayaa ah maalin taariikhi ah oo xambaarsan xusuusta halgankii gobannimada, midnimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana sanad walba si weyn looga xusaa guud ahaan dalka.





















