• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Liibiya oo soo rogtay xayiraado cusub oo Soomaalida saameynaya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Liibiya oo soo rogtay xayiraado cusub oo Soomaalida saameynaya
Share

Wararka24: Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday xayiraado cusub oo saameynaya muwaadiniinta ka soo jeeda Soomaaliya, Itoobiya, Sudan iyo Eritrea, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xakameynayo socdaalka sharci darrada ah iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala dalkaasi.

Go’aan uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Liibiya ayaa dhigaya in la joojiyo gelitaanka muwaadiniinta afarta dal iyada oo loo marayo dhammaan marinada xuduudaha dalka, marka laga reebo dadka haysta oggolaansho shaqo oo sharci ah kana shaqeeya waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Liibiya ayaa lagu amray inay qaaddo tallaabooyin lagu masaafurinayo ajaanibta aan haysan sharciyada deggenaanshaha, iyadoo dowladda ay sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay hagaajinta xaaladda gudaha iyo xoojinta amniga.

Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa sheegay in go’aankan uu kusoo beegmayo xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan socdaalka sharci darrada ah iyo tirada muhaajiriinta ka imanaya dalalka Geeska Afrika. Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin muhiim ah oo ay muhaajiriintu uga gudbaan dhinaca Yurub.

Dowladda ayaa sidoo kale xustay inay qorsheyneyso xoojinta ilaalinta xuduudaha iyo dib-u-habeynta nidaamka shaqaalaha ajaanibta ah, si loo ilaaliyo amniga qaranka iyo xasilloonida dalka.

Go’aankan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho kumannaan qof oo ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka kuwaas oo u isticmaala Liibiya marin ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub ama ay uga shaqeystaan gudaha dalkaasi.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.