
Maamul goboleedka Puntland oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac. Puntland ayaa si cad u diiday qorshaha Dowladda ee bixinta kaarka aqoonsiga hay’adda NIRA, kaas oo laga bixiyo magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ka mid ah.
“Qofkii qaata kaarka NIRA, xuquuqda Puntland wuu waayayaa”
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa si adag uga horyimid bixinta kaarka NIRA, isagoo ku hanjabay in qof kasta oo reer Puntland ah oo qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqdiisa.
“Qofkii qaata kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonaa xuquuqda Puntland. Horta dastuur ahaan jiritaankeeda la isku hayaa, mana aqoonsanin,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in aysan marnaba aqbaleyn hay’adda NIRA, maadaama aysan ku dhisnayn heshiis dastuuri ah oo heshiis lagu yahay.
Xiisadda Puntland & Dowladda Federaalka oo cirka isku shareertay
Go’aankan ayaa ka dhigan mid sii xoojinaya xiisadda kala dhexeysa Dowladda Federaalka, gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Saciid Deni.
Puntlnd ayaa horay uga hortimid tallaabooyin kale oo ay qaaday Dowladda Federaalka, sida:
🔹 Imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare
🔹 Wax ka beddelka dastuurka
🔹 Dhismaha Guddiga Doorashooyinka
Wasiir Axmed Macallin Fiqi: Ayaa horay usheegay in Dowlad Gobaleedka Puntlnd ay Diiday Inay Dowladda Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynahe Saciid Deni, uu diiday in dowladda federaalka ay gacan ka geysato dagaalka socda. “Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in dowladda albaabada laga xirtay, iyadoo haddana nalagu eedeynayo inaanan kaalin ka qaadan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi,
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyadoo ay Puntlnd u muuqato mid kasii fogaaneysa Dowladda Federaalka, taasoo khilaafka gaarsiin karta heer halis ah.
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah