• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jowhar+muuqal

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jowhar+muuqal
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad-goboleedka Hirshabelle, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira daah-furka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah madaxtooyo cusub, xarumo wasaaradeed iyo waddooyin muhiim ah oo loogu talagalay horumarinta adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Jowhar waxaa sidoo kale ku sugan madax iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka qayb galaya munaasabadaha daah-furka iyo dhagax-dhigga mashaariic kale oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo deegaannada HirShabelle.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay kahor iyo kadib imaanshaha Madaxweynaha. Ciidamada ammaanka ayaa qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida inta ay socdaan booqashada iyo munaasabadaha la qorsheeyay.

Inta uu ku sugan yahay Jowhar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaadan doona madaxda HirShabelle iyo masuuliyiin kale. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada, mashaariicda dowladda iyo xaaladda guud ee maamulka.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda federaalka ay ku xoojinayso wada shaqeynta kala dhexeysa dowlad-goboleedyada, isla markaana lagu dardar-gelinayo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa kusoo aadeysa xilli HirShabelle ay isku diyaarineyso geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo guddiga doorashada uu hore u shaaciyay jadwalka doorashada hoggaanka maamulka oo la qorsheeyay inay qabsoonto 9-ka July 2026.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.