Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Cumar Cartan oo shaaciyay hamigiisa mustaqbalka kadib diidmada Mareykanka

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay inuusan ka quusan himiladiisa garsoornimo, islamarkaana uu qorsheynayo inuu ka qeyb galo tartamada waaweyn ee caalamiga ah mustaqbalka, kadib markii looga diiday gelitaanka Mareykanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 10, 2026, 3:47 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Cumar Cartan oo shaaciyay hamigiisa mustaqbalka kadib diidmada Mareykanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay inuusan ka quusan himiladiisa garsoornimo, islamarkaana uu qorsheynayo inuu ka qeyb galo tartamada waaweyn ee caalamiga ah mustaqbalka, kadib markii looga diiday gelitaanka Mareykanka.

Cartan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin dowladeed, bahda isboortiga iyo boqolaal taageerayaal ah.

Garsooraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan difaaca magaca iyo sumcadda Soomaaliya, isla markaana ay labanlaabaan dadaalka lagu horumarinayo dalka iyo matalaaddiisa caalamiga ah.

“Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle idmo aan ka qeyb geli doono tartamada xiga, shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxi doonaan. Waa inaan dhammaanteen difaacnaa magaca Soomaaliya,” ayuu yiri Cumar Cartan.

Cartan ayaa lagu waday inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Koobka Adduunka, balse waxaa laga hor istaagay inuu galo Mareykanka kadib baaritaanno socdaal oo dheer oo lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Miami.

Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba ah, iyadoo taageero xooggan loo muujiyay garsooraha Soomaaliyeed oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan ragga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta si gaar ah u qaabilay Cartan, iyagoo ku ammaanay dadaalkiisa iyo guulaha uu ka gaaray garsoorka kubadda cagta ee heerka caalami.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad weyn oo lagu maamuusayo Cartan, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax, ciyaartooy iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inkasta oo uu waayay fursaddii uu kaga qeyb geli lahaa tartanka sanadkan, Cumar Cartan ayaa muujiyay kalsooni iyo niyad adag, isaga oo sheegay inuu sii wadi doono dadaalkiisa xirfadeed si uu mustaqbalka uga mid noqdo garsoorayaasha ugu sarreeya caalamka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.