Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira xaaladda amniga iyo howl-gallada ciidamada, xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kulamadii hordhaca ahaa ee ay la yeesheen wafdiga Turkiga ay kusoo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan ajendaha wada-hadallada la qorsheynayo. Wuxuu xusay in dhinacyadu ay isla meel dhigeen qodobbada muhiimka ah ee lagu geli doono wada-hadalka siyaasadeed.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in mucaaradku Turkiga kala hadleen arrimaha amniga, iyagoo codsaday in la joojiyo howl-gallada lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo guryahooda. Sida uu sheegay, tallaabadaas ayaa muhiim u ah abuurista jawi lagu bilaabi karo wada-hadal siyaasadeed oo miro dhal ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay degganaansho siyaasadeed iyo mid amni si loo helo kalsooni u dhexeysa dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.
Dadaallada dhex-dhexaadinta ee Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhowaan ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Turkiga ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gooni-gooni ah la yeeshay dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo la filayo in wada-hadallo rasmi ah ay dhawaan billowdaan si xal looga gaaro muranka siyaasadeed ee taagan.
Mucaaradka ayaa muujiyay rajo ah in dadaallada socda ay horseedi doonaan jawi wada-hadal iyo is-afgarad, halka dowladda federaalka aanay weli si rasmi ah uga hadlin dalabka cusub ee loo gudbiyay dowladda Turkiga.















