• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muran la xiriira Farmaajo oo dib u dhigay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Muran la xiriira Farmaajo oo dib u dhigay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Wada-hadalladii la filayay inay ka furmaan magaalada Muqdisho ee lagu doonayay in xal loogu raadiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa dib u dhacay muddo toddobaad ah. Dib-u-dhacan ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ku saabsan qaabka uu uga qaybgalayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu ka biyo diiday Farmaajo in uu wada-hadallada uga qayb galo isagoo matalaya dhinac siyaasadeed oo gaar ah. Golaha ayaa qaba in uu ka mid noqdo qaab-dhismeedka guud ee mucaaradka, halkii uu la imaan lahaa ajende u gaar ah.

Sida wararku sheegayaan, xubnaha mucaaradka ayaa doonaya in Farmaajo uu qayb ka noqdo guddiga farsamada ee mucaaradka si loo helo mowqif mideysan. Arrintan ayaa keentay in dib loo dhigo kulamadii qorshaysnaa, si waqti dheeraad ah loogu helo isku dubbaridka aragtida siyaasadeed ee mucaaradka.

Farmaajo ayaa tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay si madax-bannaan uga hadlayay arrimaha siyaasadda, isagoo marar badan soo saaray bayaano ka duwan kuwa ay soo saaraan xubnaha kale ee mucaaradka. Taasi ayaa dhalisay dood ku saabsan doorkiisa iyo qaabka uu uga qayb qaadanayo wada-hadallada la qorsheeyay.

Khilaafka siyaasadeed ee hadda jira ayaa salka ku haya muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo arrimo la xiriira muddo-xileedka dowladda. Dhinacyada siyaasadda ayaa weli ku kala aragti duwan sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ee dalka.

Dib-u-dhaca wada-hadallada ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dhinacyada la isugu soo dhoweeyo. Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dhinacyada wada dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed, iyadoo kulamo kala duwan la yeelatay madaxda dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhinacyada Soomaaliyeed ay khilaafkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo is-afgarad. Waxaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay caddeyn doonaan in dhinacyadu gaari karaan heshiis horseeda wada-hadal rasmi ah iyo xal siyaasadeed oo waara.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.