• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo toddobaadka soo socda booqasho ku tagaya Israel

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo toddobaadka soo socda booqasho ku tagaya Israel
Share

Wararka24: Warar ay daabacday warbaahinta Yedioth Ahronoth ee Israel ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, la filayo inuu booqasho ku tago Israel toddobaadka soo socda. Wararkaasi ayaa tilmaamay in safarka la qorsheeyay inuu dhaco inta u dhexeysa 15-ka illaa 17-ka Juun, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday Somaliland ama Israel.

Sida lagu sheegay warbixinnada la daabacay, Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Wararka ayaa sidoo kale xusay in ajandaha ugu muhiimsan ee booqashada lagu sheegay furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelan karto magaalada Qudus.

Wargeysyada ayaa sheegay in laba safar oo hore oo la qorsheeyay ay dib u dhaceen sababo kala duwan awgood. Hase yeeshee, ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo labada dhinac ay ka bixiyeen qorshaha cusub ee la sheegay.

Arrintan ayaa imanaysa kadib markii Israel ay bishii Diseembar ee sanadkii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland. Tallaabadaas ayaa xilligaas dhalisay falcelin siyaasadeed oo kala duwan, gaar ahaan dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u muujisay diidmadeeda aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale cambaareeyay wararkii hore ee la xiriiray suurtagalnimada furitaanka safaarad ku taalla Qudus.

Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa marar hore walaac ka muujiyay wararka la xiriira qorshe kasta oo safaarad looga furayo Qudus. Qudus ayaa weli ka mid ah qodobbada ugu muranka badan ee khilaafka u dhexeeya Israel iyo Falastiin, iyadoo inta badan dalalka caalamka ay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv iyo hareeraheeda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.