• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Weerar lagu qaaday Dhakhaatirta aaska Ebola ee Congo iyo walaaca faafitanka cudurka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Weerar lagu qaaday Dhakhaatirta aaska Ebola ee Congo iyo walaaca faafitanka cudurka
Share

Wararka24: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa wajahaysa xaalad adag oo la xiriirta cudurka Ebola, kadib markii koox ka shaqaynaysay aasidda dadka uu cudurku haleelay lagu weeraray gobolka Koonfurta Kivu.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Katana oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalada Bukavu. Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Congo, kooxda la weeraray waxay ka tirsanayd hawlwadeennada caafimaadka ee loo tababaray maaraynta maydadka dadka uu ku dhacay Ebola si looga hortago faafitaanka cudurka.

Wararka ayaa tilmaamaya in shaqaalihii caafimaadka lagu qasbay inay goobta ka baxaan, halka maydkii ay wateenna ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan bulshada deegaanka. Tallaabadan ayaa kor u qaaday walaaca laga qabo in cudurku si dheeraad ah ugu faafo bulshada.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaan weli caddeyn sababta keentay weerarka, balse dhacdadan ayaa muujinaysa caqabadaha ka jira dadaallada lagu xakameynayo Ebola, gaar ahaan meelaha ay ka jirto kalsooni darrada shacabka.

Dhacdo kale oo la mid ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalada Bunia ee gobolka Ituri, halkaas oo koox kale oo ka shaqaynaysay arrimaha caafimaadka lagu weeraray, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan afar qof.

Dhanka kale, tirada kiisaska Ebola ayaa sii kordhaysa. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tan iyo markii cudurka lagu dhawaaqay 15-kii May la diiwaangeliyey 363 kiis oo la xaqiijiyey iyo 62-ba dhimasho ah.

Xogtii ugu dambeysay ayaa muujisay in la helay 19 kiis oo cusub iyo laba dhimasho oo dheeraad ah. Cudurka ayaa hadda ku faafay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Ituri, Waqooyiga Kivu iyo Koonfurta Kivu.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay inay jiraan horumarro la xiriira la socodka dadka la kulmay bukaanada cudurka qaba, iyadoo qaar kamid ah la xaqiijiyey inay caafimaad qabaan kadib muddo kormeer ah.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.