• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Mahad Salaad oo booqday guriga Xasan Cali Khayre kadib dagaalkii Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Mahad Salaad oo booqday guriga Xasan Cali Khayre kadib dagaalkii Muqdisho
Share

Wararka24: Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray guriga uu deganaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ee degmada Howlwadaag, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo dhex maray ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Khayre iyo ciidamada dowladda.

Mahad Salaad ayaa goobta kula kulmay xildhibaanno, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale oo ku howlanaa dadaallada lagu dejinayo xaaladda. Wararka ayaa sheegaya inuu ka qeyb galay wada-hadallo lagu raadinayo xal lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay dagaalka.

Kulamada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xasan Macallin, Ugaaska Beesha Murusade iyo xubno kale oo ka tirsan bulshada, kuwaas oo ka arrinsanayay sidii loo xoojin lahaa dadaallada nabadeed.

Sida wararku sheegayaan, waxaa socda dadaallo lagu qancinayo Xasan Cali Khayre inuu ka guuro hoygii uu deganaa ee Howlwadaag kuna laabto gurigiisa ku yaalla deegaanka Hotel Jazeera, iyadoo amniga goobta ay sugayaan ciidamada NISA.

Xaaladda degmada Howlwadaag ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay marka loo eego saacadihii dagaalka uu socday. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen amniga aagga, halkaas oo habeenkii hore ay ka dhaceen iska horimaadyo sababay cabsi iyo barakac.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray qaar ka mid ah dhismayaasha ku yaalla goobihii dagaalka. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka lagu isticmaalay hub culus iyo madaafiic, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha guud ee ka dhashay.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya baaqyada ka imanaya beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo ingiriska, kuwaas oo ku baaqay in la joojiyo colaadda laguna xalliyo khilaafaadka wada-hadal.

Ilaa hadda waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Muqdisho, iyadoo indhaha lagu hayo natiijada wada-hadallada iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.