Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo u diray Sheekh Shariif

Ergo uu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 4:36 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergo u diray Sheekh Shariif
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ergo uu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.

Ergada ayaa waxaa hoggaaminayay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana ka mid ahaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer), Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo mas’uuliyiin kale. Kulanka ayaa ka dhacay guriga Sheekh Shariif ee ku yaalla agagaarka xeebta Liido, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen kulamo iyo abaabul siyaasadeed.

Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xaqiijiyay socdaalka ergada, isagoo si kooban u sheegay in ay u tageen Sheekh Shariif sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallada wada-hadalka iyo is-afgaradka. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlayo kulanka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay ka wada hadlayaan sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ku saabsan dibadbaxa mucaaradka iyo arrimo kale oo la xiriira hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya qorshahooda ku aaddan qabashada dibadbax ay sheegeen inuu noqon doono mid nabadeed, halka dowladda ay hore u sheegtay inay oggol tahay isu soo baxa balse ay u qoondeysay goobo gaar ah oo lagu qabto.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo amni oo sii kordhaya. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu arkayay qaybo ka mid ah caasimadda, iyadoo shacabka ay walaac ka muujinayaan suurtagalnimada in xiisadda siyaasadeed ay saameyn ku yeelato amniga guud ee magaalada.

Si kastaba, kulanka u dhexeeya ergada madaxweynaha iyo Sheekh Shariif ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed iyo in la yareeyo xiisadaha taagan. Indhaha shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadda ayaa hadda ku sii jeeda natiijada ka soo baxda wada-hadalladan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.