• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Mucaaradka oo diiday xayiraadda lagu soo rogay dibadbaxa Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Mucaaradka oo diiday xayiraadda lagu soo rogay dibadbaxa Muqdisho
Share

Wararka24: Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda ee la xiriira dibadbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in mudaharaadka lagu qaban karo saddex goobood oo gaar ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn dibadbaxa, balse ay u qoondeysay goobo cayiman oo lagu qabto. Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay halkaas kula hadli karaan taageerayaashooda, isaga oo sidoo kale ka digay in dibadbax lagu ilaaliyo hub ama ciidamo hubeysan aan la oggolaan doonin.

Hadalkaas ayaa durba siyaasiyiinta mucaaradka ka jawabeen. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaradku aysan aqbali doonin in loo xadido goobaha ay ku muujinayaan aragtidooda siyaasadeed.

Jeesow ayaa ku adkeystay in dibadbaxa la qorsheeyay uu u dhici doono sidii loo diyaariyay, isaga oo sheegay in ujeeddada mudaharaadku tahay muujinta mowqifka mucaaradka ee ku aaddan arrimaha siyaasadda iyo muranka doorashooyinka. Wuxuu sheegay in dhinacooda aysan qorsheynayn wax gacan ka hadal ah, isla markaana ay doonayaan in dibadbaxu noqdo mid nabad ah.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in aysan geli doonin wada-hadal ku saabsan qaabka ama goobaha uu ka dhacayo dibadbaxa, iyagoo ku doodaya in isu soo baxa nabadeed uu yahay xuquuq dastuuri ah oo aan lagu xirin shuruudo dheeraad ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sare u kacday maalmihii la soo dhaafay, iyadoo dowladda iyo mucaaradka ay isku hayaan arrimo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha federaalka.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo amni iyo abaabul siyaasadeed oo ay wadaan labada dhinac, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sababo xaalad amni oo cakiran haddii aan xal wadajir ah loo helin.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.