Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Mucaaradka oo diiday xayiraadda lagu soo rogay dibadbaxa Muqdisho

Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda ee la xiriira dibadbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in mudaharaadka lagu qaban karo saddex goobood oo gaar ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 4:25 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Mucaaradka oo diiday xayiraadda lagu soo rogay dibadbaxa Muqdisho
Share

Wararka24: Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda ee la xiriira dibadbaxa la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in mudaharaadka lagu qaban karo saddex goobood oo gaar ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in dowladda aysan diidaneyn dibadbaxa, balse ay u qoondeysay goobo cayiman oo lagu qabto. Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay halkaas kula hadli karaan taageerayaashooda, isaga oo sidoo kale ka digay in dibadbax lagu ilaaliyo hub ama ciidamo hubeysan aan la oggolaan doonin.

Hadalkaas ayaa durba siyaasiyiinta mucaaradka ka jawabeen. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaradku aysan aqbali doonin in loo xadido goobaha ay ku muujinayaan aragtidooda siyaasadeed.

Jeesow ayaa ku adkeystay in dibadbaxa la qorsheeyay uu u dhici doono sidii loo diyaariyay, isaga oo sheegay in ujeeddada mudaharaadku tahay muujinta mowqifka mucaaradka ee ku aaddan arrimaha siyaasadda iyo muranka doorashooyinka. Wuxuu sheegay in dhinacooda aysan qorsheynayn wax gacan ka hadal ah, isla markaana ay doonayaan in dibadbaxu noqdo mid nabad ah.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in aysan geli doonin wada-hadal ku saabsan qaabka ama goobaha uu ka dhacayo dibadbaxa, iyagoo ku doodaya in isu soo baxa nabadeed uu yahay xuquuq dastuuri ah oo aan lagu xirin shuruudo dheeraad ah.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sare u kacday maalmihii la soo dhaafay, iyadoo dowladda iyo mucaaradka ay isku hayaan arrimo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha federaalka.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo amni iyo abaabul siyaasadeed oo ay wadaan labada dhinac, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sababo xaalad amni oo cakiran haddii aan xal wadajir ah loo helin.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.