Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa sheegtay in laba howlgal oo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan HirShabeelle lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo dagaalyahanno ka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 2:22 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa sheegtay in laba howlgal oo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan HirShabeelle lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda.

Qoraal ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay bayaanka, goobta la weeraray waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday abaabullo iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira amniga gobolka.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 23 xubnood oo ka tirsan kooxda, kadib markii la helay xog sirdoon oo horseeday in la beegsado goobta ay ku sugnaayeen. NISA ayaa xustay in xubnahaasi ay ku howlnaayeen qorsheyaal lagu carqaladeynayay amniga deegaannada Hirshabeelle.

Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan. NISA ayaa sheegtay in halkaasi lagu dilay lix xubnood oo kale, kuwaas oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdi Mudallib.

Sida lagu sheegay bayaanka, horjoogahan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka iyo qorsheynta qaraxyada ka dhaca gobolka Hiiraan. Hay’addu waxay ku eedeysay inuu door ku lahaa weerarro iyo falal amni darro oo hore uga dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

NISA ayaa sheegtay in howlgaladan ay ka fuliyeen iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, isla markaana ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgallada milatari iyo kuwa sirdoon ee ka socda gobollada dhexe iyo koonfurta dalka, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab, lana xoojiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga saaray kooxda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

22 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

22 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.