• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah
Share

Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa sheegtay in laba howlgal oo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno ka tirsan HirShabeelle lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda.

Qoraal ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay bayaanka, goobta la weeraray waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday abaabullo iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira amniga gobolka.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 23 xubnood oo ka tirsan kooxda, kadib markii la helay xog sirdoon oo horseeday in la beegsado goobta ay ku sugnaayeen. NISA ayaa xustay in xubnahaasi ay ku howlnaayeen qorsheyaal lagu carqaladeynayay amniga deegaannada Hirshabeelle.

Howlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan. NISA ayaa sheegtay in halkaasi lagu dilay lix xubnood oo kale, kuwaas oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdi Mudallib.

Sida lagu sheegay bayaanka, horjoogahan ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka iyo qorsheynta qaraxyada ka dhaca gobolka Hiiraan. Hay’addu waxay ku eedeysay inuu door ku lahaa weerarro iyo falal amni darro oo hore uga dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

NISA ayaa sheegtay in howlgaladan ay ka fuliyeen iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, isla markaana ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgallada milatari iyo kuwa sirdoon ee ka socda gobollada dhexe iyo koonfurta dalka, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab, lana xoojiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga saaray kooxda.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.