Wararka24: Basaaskii hore ee Israa’iili Jonathan Pollard, oo hore ugu xukunnaa Mareykanka dacwad la xiriirtay sirdoon isla markaana markii dambe u guuray Israa’iil , ayaa sheegay in Bariga Dhexe uu wajihi karo xiisado cusub oo amni iyo mid siyaasadeed ah, isagoo xusay in Israa’iil ay tahay inay u diyaar garowdo caqabado ka iman kara dalal gobolka ku yaalla.
Pollard ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iil ee Arutz Sheva, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo isbeddellada ku socda xiriirrada u dhexeeya dalalka Bariga Dhexe. Wuxuu sheegay in xiisadaha hadda jira aysan ku ekaan doonin hal dhinac oo keliya, balse ay jiri karaan khilaafyo cusub oo mustaqbalka soo baxa.
Qoraalka iyo hadallada Pollard ayaa si gaar ah u xusay dalalka Masar iyo Turkey , kuwaas oo uu sheegay inay ka mid noqon karaan meelaha ay ka dhalan karaan muranno siyaasadeed iyo amni oo cusub oo la xarirta ayaka iyo Israa’iil. Hase yeeshee, ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Israa’iil oo taageeraya aragtidiisa ama muujinaya qorshe militari oo ka dhan ah labadaas dal.
Pollard ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda ka jirta koonfurta Syria iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga Israa’iil, isagoo ku dooday in isbeddellada gobolka ay u baahan yihiin in si dhow loola socdo.
Masar iyo Turkey ayaa muddo dheer xiriir diblomaasiyadeed la lahaa Israa’iil, inkastoo sanadihii u dambeeyay uu xumaaday xiriirka labada dhinac, gaar ahaan kadib dagaalka Gaza iyo murannada siyaasadeed ee ka dhashay.
Turkiga waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Muslim u badan yihiin ee aqoonsada Israa’iil sanadkii 1949-kii, halka Masar ay heshiis nabadeed la saxiixatay Israa’iil sanadkii 1979-kii. Inkastoo ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo soo noqnoqday, labada dal ayaa weli leh xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.
Hadallada Pollard ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado sii kordhaya, iyadoo dalal badan ay ku baaqayaan in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo waddooyin diblomaasiyadeed si looga hortago colaado hor leh.


















