• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya
Share

Wararka24: Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday madaxda iyo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal si loo gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

War-saxaafadeed wadajir ah oo la soo saaray 1-da June 2026 ayaa lagu sheegay in xaaladda taagan ay u baahan tahay deganaan, tanaasul iyo wadahadal miro-dhal ah. Saxiixayaasha bayaanka ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan danta qaranka iyo xasilloonida dalka.

Bayaanka ayaa xusay in loo baahan yahay heshiis degdeg ah oo ku saabsan khariidadda doorashada, si shacabka Soomaaliyeed loogu horseedo geeddi-socod siyaasadeed oo la isku raacsan yahay. Waxa kale oo lagu caddeeyay in beesha caalamku diyaar u tahay taageeridda wadahadal kasta oo ay Soomaalidu hoggaaminayso.

Dhinacyada saxiixay bayaanka waxaa ka mid ahaa hay’adaha iyo dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah uga digay tallaabooyin keeni kara xiisad horleh ama khilaafka sii xumeeya.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa iyaduna soo saartay farriin gaar ah oo ay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan ficillo horseedi kara rabshado ama qalalaase siyaasadeed.

Baaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay muranka ka dhashay arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha federaalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay dalbanayaan in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysanaysa ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo kuwo bini’aadantinimo, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho xasilloonida guud ee dalka.

Beesha caalamka ayaa ku celisay baaqeeda ah in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan wada-hadal iyo is-afgarad, si looga fogaado xaalado keeni kara dib-u-dhac siyaasadeed ama amni darro cusub.

War-saxaafadeedka wadajirka ah


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.