Wararka24: Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya qaybo kamid ah Puntland ayaa sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka, gaar ahaan waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ay shacabka ugu baaqayaan inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen, si looga fogaado shilal iyo khasaarooyin ka dhasha roobabka socda.
Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in Togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir uu qaaday gaadiid waaweyn, halka daadad kale oo ka yimid Togga Buraan ay sidoo kale saameeyeen gaadiid marayay halkaas. Dadka deegaanka iyo safarrada ku jira ayaa codsanaya gurmad iyo feejignaan dheeraad ah.
Daadadka ayaa hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee waddada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Qardho, taas oo saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo safarrada dadka.
Booliiska Puntland ayaa shacabka ku adkeeyay inay ka fogaadaan isku dayga ay kaga gudbayaan togagga iyo meelaha ay biyuhu si xooggan u socdaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha hay’adaha ammaanka iyo kuwa gurmadka.
Roobabkan ayaa qayb ka ah xilli-roobaadka Gu’ga oo ka curtay deegaanno badan oo ka tirsan Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in daadad dheeraad ah ay saameyn ku yeeshaan waddooyinka iyo deegaanada ku dhow togagga waaweyn.


















