Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sacdiyo Bajaaj oo la filayo in berri la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwadda loo haysto.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 1:16 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Sacdiyo Bajaaj oo la filayo in berri la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir
Share

Wararka24: Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwadda loo haysto.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa hore u sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gabagabo ah, iyadoo la dhammaystiray baarista iyo habraacyadii la xiriiray dacwad-oogista.

Sida lagu sheegay wararka la helayo, maxkamadeynta ayaa ka bilaaban doonta hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir, halkaas oo lagu soo bandhigi doono eedaha rasmiga ah ee loo haysto. Eedaha la sheegay inay wajahayso waxaa kamid ah kicin bulsho.

Xoghayaha Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Sacdiyo Bajaaj, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, inay si nabad ah uga qeyb qaataan la socodka dacwadda.

Koofi ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha garsoorka inay u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga, isla markaana ay xaqiijiyaan in dacwadda lagu maamulo hufnaan iyo caddaalad.

Kiiska Sacdiyo Bajaaj ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, waxaana si dhow loola socdaa sida ay u socdaan dhageysiyada maxkamadda iyo go’aamada kasoo bixi doona.

Hay’adaha garsoorka ayaan weli soo saarin wax go’aan ah oo kama dambeys ah, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo marka ay maxkamaddu si rasmi ah u bilowdo dhageysiga dacwadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.