• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Booliska Banaadir Oo Ka Digay Bannaanbaxyo Hubeysan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Booliska Banaadir Oo Ka Digay Bannaanbaxyo Hubeysan
Share

Wararka24: Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay hub ku dhex wataan bannaanbaxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in la uruurinayo xogta dadka lagu eedeeynayo inay hub la joogaan dibadbaxyada, isagoo xusay in la hayo macluumaad ay ka mid yihiin magacyo, sawirro iyo xog kale oo aqoonsi ah.

“Dadka hubeysan iyo cid kasta oo hoy siisa ama la shaqeysa waa lala xisaabtami doonaa. Waxaan haynaa magacyadiinna, sawirradiinna iyo xogtiinna, qof walbana wuxuu leeyahay diiwaanka NIRA,” ayuu yiri taliyaha.

Hadalka kasoo baxay Booliska Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan caasimadda, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya dad ka qeyb-galaya dibadbaxyo iyo ilaalo la socota qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Taliyaha ayaa sidoo kale shacabka uga digay ka qeybgalka bannaanbaxyo uu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara amniga iyo kala dambeynta magaalada, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay oggoshahay bannaanbaxyo nabadeed oo waafaqsan sharciga, balse ay u asteeysay goob cayiman oo lagu qabto mudaharaadyada mucaaradka.

Dowladdu waxay sheegtay in bannaanbaxyo ka dhaca meelo kala duwan ay saameyn ku yeelan karaan amniga guud, isu socodka shacabka iyo adeegyada muhiimka ah ee magaalada.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ee dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.