• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maxkamada Sare ee Kenya oo hakisay qorshe la xiriira xarumaha Ebola

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maxkamada Sare ee Kenya oo hakisay qorshe la xiriira xarumaha Ebola
Share

Wararka24: Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu joojinayo qorshe kasta oo la xiriira dhismaha ama howlgelinta xarumo loogu talagalay karantiilka iyo daaweynta dadka qaba cudurka Ebola.

Go’aanka maxkamadda Milimani High Court ayaa yimid kadib dacwad ay gudbisay hay’adda Katiba Institute, taas oo walaac ka muujisay badqabka shacabka iyo heshiisyo la sheegay inay dowladda Kenya la gashay dowlado shisheeye oo ku saabsan arrimaha Ebola.

Amarka maxkamadda ayaa si gaar ah u mamnuucaya in dowladda Kenya ama hay’adaha la shaqeeya ay dalka soo geliyaan ama qaabilaan dad qaba ama looga shakisan yahay cudurka Ebola ilaa dacwadda si rasmi ah looga dhageysanayo maxkamadda.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Ebola iyo iskaashiga caafimaad ee labada dal.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla soo qaadeen xoojinta nidaamka caafimaadka Kenya iyo diyaarinta agabka caafimaad ee muhiimka ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay inuu Kenya siin doono taageero dhan $13.5 milyan oo loogu talagalay diyaar-garowga cudurka Ebola, halka horey loo ballanqaaday in ka badan $112 milyan oo taageero oo loogu talagalay la dagaallanka cudurkaasi.

Labada dowladood ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta la xiriirta ka hortagga faafitaanka Ebola ee gobolka Bariga Afrika, xilli ay jirto cabsi laga qabo in cudurka uu ku faafo dalal horleh oo gobolka ku yaalla.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.