Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul ka jeediyay bulshada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota iyo xildhibaanad Ilhan Omar, xilli maamulka Aqalka Cad uu sii xoojinayo siyaasadaha la xiriira socdaalka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 29, 2026, 3:02 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul ka jeediyay bulshada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota iyo xildhibaanad Ilhan Omar, xilli maamulka Aqalka Cad uu sii xoojinayo siyaasadaha la xiriira socdaalka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Trump oo ka hadlayay kulan Golaha Wasiirrada ah ayaa Soomaalida ku tilmaamay “tuugo”, isaga oo si gaar ah u weeraray Ilhan Omar oo asal ahaan Soomaali ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay waddo cadaadis xooggan oo ka dhan ah dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin lunsashada hantida dadweynaha.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya kadib markii saraakiisha federaalka ay kordhiyeen baaritaannada la xiriira fadeexado dhaqaale oo ka dhacay gobolka Minnesota, kuwaas oo qaarkood lala xiriiriyay Soomaali-Mareykan. Warbixino hore ayaa sheegay in tobannaan qof lagu soo oogay dacwado la xiriira khiyaanooyin lagu sameeyay barnaamijyo dowladda Mareykanka bixisay xilligii Covid-19.

Dhanka kale, Ilhan Omar ayaa si adag uga jawaabtay hadallada Trump, iyadoo ku tilmaantay kuwo xanbaarsan naceyb, midab-takoor iyo weerar lagu hayo bulshada Muslimiinta iyo dadka madow. Waxay sheegtay in hadallada noocan ah ay cabsi ku abuuri karaan bulshada Soomaalida ee ku nool Mareykanka.

Bulshada Soomaalida ee Minnesota ayaa ah tan ugu weyn Soomaalida ku nool Mareykanka, waxayna sanadihii dambe yeesheen saameyn siyaasadeed iyo mid bulsho oo sii kordheysa. Hoggaamiyeyaal badan oo deegaanka ah ayaa hore uga digay in hadallada siyaasiyiinta qaarkood ay sii hurin karaan cadaawadda loo qabo muhaajiriinta iyo bulshada laga tirada badan yahay.

Hadalladan cusub ayaa imanaya xilli Mareykanka uu wajahayo dood xooggan oo ku saabsan socdaalka, amniga gudaha iyo sida loo wajahayo kiisaska musuqmaasuqa ee lala xiriirinayo qaar kamid ah hay’adaha gargaarka bulshada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.