• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug
Share

Wararka24: Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada dowlad-goboleedka Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Wararka24 ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu Madaxweynaha si cad ugu sheegay inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda xilka haya ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed iyo wada-hadal lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamay in kulamo dhowr ah oo dhexmaray Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka taagan. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay weli qorsheynayaan kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo wadahadallada.

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu doonayo in doorashada Galmudug ay noqoto mid furan oo ay musharrixiintu si siman ugu tartamaan, halka Madaxweyne Qoor-Qoor uu isna muujiyay inuu taageersan yahay hannaan doorasho oo hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu warramayaa inuu taageersan yahay mowqifka Mahad Salaad, isla markaana aanu ku qanacsaneyn qorshaha la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taageerayo Liibaan Shuluq si uu ugu soo baxo madaxtinimada Galmudug.

Khilaafkan cusub ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed iyo abaabulo la xiriira doorashada maamulka Galmudug. Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda maamulkaasi ayaa muujiyay walaac ku aaddan suurta-galnimada xiisado siyaasadeed oo cusub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, xilli ay sii kordhayaan hadal-heynta la xiriirta loolanka siyaasadeed ee Galmudug.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.