Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada dowlad-goboleedka Galmudug.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 29, 2026, 12:10 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada dowlad-goboleedka Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Wararka24 ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu Madaxweynaha si cad ugu sheegay inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda xilka haya ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed iyo wada-hadal lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamay in kulamo dhowr ah oo dhexmaray Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka taagan. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay weli qorsheynayaan kulamo kale oo lagu sii ambaqaadayo wadahadallada.

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu doonayo in doorashada Galmudug ay noqoto mid furan oo ay musharrixiintu si siman ugu tartamaan, halka Madaxweyne Qoor-Qoor uu isna muujiyay inuu taageersan yahay hannaan doorasho oo hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu warramayaa inuu taageersan yahay mowqifka Mahad Salaad, isla markaana aanu ku qanacsaneyn qorshaha la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taageerayo Liibaan Shuluq si uu ugu soo baxo madaxtinimada Galmudug.

Khilaafkan cusub ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed iyo abaabulo la xiriira doorashada maamulka Galmudug. Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda maamulkaasi ayaa muujiyay walaac ku aaddan suurta-galnimada xiisado siyaasadeed oo cusub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, xilli ay sii kordhayaan hadal-heynta la xiriirta loolanka siyaasadeed ee Galmudug.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.