Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xannaan Yuusuf iyo Shamso Axmed oo loo haysto $21.2 milyan oo dollar

Maxkamada federaalka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed oo gaareysa 21.2 milyan oo dollar, kuna saabsan barnaamijka caafimaadka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 29, 2026, 11:39 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xannaan Yuusuf iyo Shamso Axmed oo loo haysto $21.2 milyan oo dollar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maxkamada federaalka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed oo gaareysa 21.2 milyan oo dollar, kuna saabsan barnaamijka caafimaadka Medicaid ee gobolka Minnesota.

Labadan haween ayaa deggen magaalada Brooklyn Park ee gobolka Minnesota, waxaana lagu sheegay inay gudbiyeen sheegashooyin been abuur ah oo la xiriira adeegyada daryeelka carruurta qaba autism-ka ee hoos yimaada barnaamijka EIDBI. Sida lagu sheegay dukumenti kasoo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, sheegashooyinka la gudbiyay ayaa guud ahaan gaarayay 46.6 milyan oo dollar.

Xeer ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in lacag dhan 21.2 milyan oo dollar si toos ah loo siiyay, iyadoo la tuhunsan yahay in lacagahaasi loo adeegsaday iibka guryo, dhulal iyo xawaalado loo diray dalka Kenya.

Dacwadda ayaa sidoo kale sheegtay in qoysas badan loo ballanqaaday lacago u dhaxeysa 300 ilaa 1,500 dollar bishii si carruurtooda loogu diiwaangeliyo qorshahaasi, inkastoo aan la bixin adeegyo caafimaad oo dhab ah.

Shamso iyo Xanaan ayaa kamid ah 15 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qorshe musuq maasuq oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid la xiriira adeegyada autism-ka ee Medicaid, kaas oo sababay khasaare ka badan 90 milyan oo dollar.

Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ayaa sheegay in xarumo badan oo lagu magacaabay adeeg bixiyeyaal aysan lahayn shaqaale aqoon u leh adeegyada caafimaadka, halka qaar kamid ah xarumahaasi lagu tilmaamay kuwo aan si dhab ah u shaqeyneynin.

Baaritaanka kiiskan ayaa socday tan iyo sanadkii 2024, waxaana bishii Febraayo ee sanadkan dowladda federaalka Mareykanka ay si ku meel gaar ah u hakisay qaar kamid ah lacagihii Medicaid ee gobolka Minnesota, si loo baaro eedeymaha musuq maasuqa.

Fadeexaddan ayaa si weyn usoo shaac baxday kadib markii wariye madax bannaan oo lagu magacaabo Nick Shirley uu baahiyay muuqaallo muujinaya xarumo la sheegay inay lacago badan qaadanayeen balse aan bixin adeegyo muuqda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

4 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

4 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.