• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, May 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xannaan Yuusuf iyo Shamso Axmed oo loo haysto $21.2 milyan oo dollar

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 hours ago
Reading Time: 2 mins read
Xannaan Yuusuf iyo Shamso Axmed oo loo haysto $21.2 milyan oo dollar

Wararka Ugu Aqrintabadan

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

4 hours ago
Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

5 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Maxkamada federaalka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed oo gaareysa 21.2 milyan oo dollar, kuna saabsan barnaamijka caafimaadka Medicaid ee gobolka Minnesota.

Labadan haween ayaa deggen magaalada Brooklyn Park ee gobolka Minnesota, waxaana lagu sheegay inay gudbiyeen sheegashooyin been abuur ah oo la xiriira adeegyada daryeelka carruurta qaba autism-ka ee hoos yimaada barnaamijka EIDBI. Sida lagu sheegay dukumenti kasoo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, sheegashooyinka la gudbiyay ayaa guud ahaan gaarayay 46.6 milyan oo dollar.

Xeer ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in lacag dhan 21.2 milyan oo dollar si toos ah loo siiyay, iyadoo la tuhunsan yahay in lacagahaasi loo adeegsaday iibka guryo, dhulal iyo xawaalado loo diray dalka Kenya.

Dacwadda ayaa sidoo kale sheegtay in qoysas badan loo ballanqaaday lacago u dhaxeysa 300 ilaa 1,500 dollar bishii si carruurtooda loogu diiwaangeliyo qorshahaasi, inkastoo aan la bixin adeegyo caafimaad oo dhab ah.

Shamso iyo Xanaan ayaa kamid ah 15 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qorshe musuq maasuq oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid la xiriira adeegyada autism-ka ee Medicaid, kaas oo sababay khasaare ka badan 90 milyan oo dollar.

Mas’uuliyiinta gobolka Minnesota ayaa sheegay in xarumo badan oo lagu magacaabay adeeg bixiyeyaal aysan lahayn shaqaale aqoon u leh adeegyada caafimaadka, halka qaar kamid ah xarumahaasi lagu tilmaamay kuwo aan si dhab ah u shaqeyneynin.

Baaritaanka kiiskan ayaa socday tan iyo sanadkii 2024, waxaana bishii Febraayo ee sanadkan dowladda federaalka Mareykanka ay si ku meel gaar ah u hakisay qaar kamid ah lacagihii Medicaid ee gobolka Minnesota, si loo baaro eedeymaha musuq maasuqa.

Fadeexaddan ayaa si weyn usoo shaac baxday kadib markii wariye madax bannaan oo lagu magacaabo Nick Shirley uu baahiyay muuqaallo muujinaya xarumo la sheegay inay lacago badan qaadanayeen balse aan bixin adeegyo muuqda.

Share
Tags: caasimadda MuqdishoMadax weynaha Xasan SheekhWararka maantawararka mantawararka somalia
Previous Post

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

Next Post

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Related Posts

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

by Amin Cali Abdi
4 hours ago

Wararka24: Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Xaaladda guud ee deegaannada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, kadib warar saacadihii lasoo...

Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan

Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan

by Amin Cali Abdi
22 hours ago

Wararka24: Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah...

Trump Oo Ku Hanjabay Inuu “Dhulka La Simi Doono” Cumaan

Trump Oo Ku Hanjabay Inuu “Dhulka La Simi Doono” Cumaan

by Amin Cali Abdi
22 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku hanjabay in uu “dhulka la simi doono” dalka Oman haddii...

Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Qarax culus oo dhimasho gaystay oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

by Amin Cali Abdi
22 hours ago

Wararka24: Qarax culus oo miino ahaa ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan ciidanka Kenya meel u dhow...

Cali Wajiis Oo Xasan Sheekh Ka ugu baaqay inuu qabto Doorasho Deggan

Cali Wajiis Oo Xasan Sheekh Ka ugu baaqay inuu qabto Doorasho Deggan

by Amin Cali Abdi
23 hours ago

Wararka24: Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay...

Load More
Next Post
Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug

Recommended

Horjooge Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose.

Horjooge Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose.

4 months ago
Shuute oo  shaaciyay   in xatooyada Qalabka militariga ay noqotay dambigii ugu Adkaa ee la diiwaangeliyo  sanadkii 2025.

Shuute oo shaaciyay  in xatooyada Qalabka militariga ay noqotay dambigii ugu Adkaa ee la diiwaangeliyo sanadkii 2025.

3 months ago
Dowladda Turkiga

Wararka24: Dowladda Turkiga oo duqaymo culus ka fuliyay Shabellaha Dhexe + faah faahin dheraad ah

1 year ago
Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

3 months ago
Cuba ma dalka xigaa oo bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran?

Cuba ma dalka xigaa oo bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran?

7 days ago
Tehran oo adkaysay mowqifkeeda kaydka uranium-ka kadib amarka kaso baxay Mojtaba Khamenei

Tehran oo adkaysay mowqifkeeda kaydka uranium-ka kadib amarka kaso baxay Mojtaba Khamenei

6 days ago
Jeneraal Elio Manes oo La Wareegay Hoggaanka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Jeneraal Elio Manes oo La Wareegay Hoggaanka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.