• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan
Share

Wararka24: Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid kasta oo ku sii nagaata deegaanada uu dagaalku ka socdo wixii ka dambeeya muddadaasi loo aqoonsan doono inay la shaqeynayso kooxaha “argagixisada”, isaga oo xusay in ciidamada ammaanka Puntland ay sii xoojin doonaan howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad.

“Dadka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay kasoo guuraan goobaha dagaalku ka socdo inta uu socdo howlgalka. Qofkii ku haraya halkaas wixii ka dambeeya muddada shanta cisho ah, waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso,” ayuu yiri Maxamed Baari Shire.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay nabaddoonada iyo bulshada deegaanka inay ciidamada kala shaqeeyaan soo saarista dadka uu sheegay inay gabaad ka dhigteen buuraha Calmiskaad.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maalin kasta ay dhacaan weerarro iyo falal amni darro oo saameyn ku leh shacabka deegaanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdooyin la xiriira xoolo laga dhacay dadka reer miyiga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in dad rayid ah ay sii joogaan goob dagaal culus ka socdo, xilli ciidamada Puntland ay kordhinayaan howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Hadalka Maxamed Baari Shire ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii qoys reer miyi ah lagu duqeeyay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhinteen hooyo xaamilo ahayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ay ku dooneyso inay ku cirib tirto maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bari.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.