Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Mucaaradka Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu kasoo kabanayo tobannaan sano oo amni darro iyo qalalaase siyaasadeed ah, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 5:11 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Mucaaradka Dowladda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu kasoo kabanayo tobannaan sano oo amni darro iyo qalalaase siyaasadeed ah, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda  Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalmaha Eid al-Adha, isaga oo sheegay in Muqdisho ay maanta ka duwan tahay xilligii ay caasimaddu wajahayeen qaraxyo joogto ah iyo dilal qorsheysan oo ay fulin jireen kooxda Al-Shabaab.

“Bulshada Soomaaliyeed waxay maanta si nabad ah ula dabaaldegayaan farxadda Ciidda, iyada oo aysan jirin cabsiihii hore,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhallinyaro badan ay naftooda u hureen soo celinta amniga Muqdisho, isaga oo ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidamada iyo hay’adaha amniga ee dalka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale mucaaradka ugu baaqay inay ka fogaadaan waxa uu ku tilmaamay “siyaasadeynta amniga iyo ciidamada”, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay dhegeysiga aragti kasta oo siyaasadeed oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu difaacay xorriyadda hadalka iyo mudaaharaadyada nabadeed, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay aqbalsan tahay dhaliilaha iyo mucaaradka siyaasadeed.

“Waa dowlad oggol xorriyadda hadalka, qof walba wuxuu xor u yahay inuu cabbiro aragtidiisa sida dastuurku dhigayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu mar kale ku celiyay in dowladda ay taageersan tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si xor ah u doortaan hoggaankooda.

“Haddii shacabka ay doortaan cid kale, waan hambalyeynaynaa oo waan la shaqeynaynaa. Haddii ay annaga na doortaan, sidoo kale waan sii wadaynaa shaqada,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Muqdisho ay kasoo gudubtay waqtiyo adag oo ay hareeyeen dagaallo iyo cabsi amni, isaga oo tilmaamay in shacabka caasimaddu ay hadda muujiyeen biseyl siyaasadeed iyo rabitaan ay ku ilaalinayaan nabadda iyo xasilloonida.

Khudbaddan ayaa kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.