Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii si rasmi ah loo billaabay qodista shidaalka iyo gaaska xeebaha Soomaaliya, iyadoo mashruucaasi ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Turkey.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 12:21 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii si rasmi ah loo billaabay qodista shidaalka iyo gaaska xeebaha Soomaaliya, iyadoo mashruucaasi ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Turkey.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu galay marxalad cusub oo ah qodista ceelasha shidaalka, kadib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka iyo falanqeynta xogihii laga helay.

“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo la filayo inuu gaaro qoto dhan 7,500 mitir.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in dhammaadka sanadkan la helo natiijooyin muujinaya suurtagalnimada shidaal ama gaas ganacsi ahaan loo soo saari karo, inkastoo uusan sheegin qiyaasta kaydka laga filayo.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mashruucan uu door weyn ka qaadan karo kobaca dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye, haddii la xaqiijiyo jiritaanka kayd shidaal iyo gaas oo la soo saari karo.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga aanu ku koobnayn sahminta shidaalka oo keliya, balse uu sidoo kale xoogga saarayo tababarro iyo dhisidda khibradda farsamo ee Soomaalida, si mustaqbalka ay ula wareegaan howlaha ay hadda wadaan khubarada shisheeye.

Mashruucan ayaa daba socda sahanno uu horey uga sameeyay badda Soomaaliya markabka seismic-ka ee Oruç Reis, kaas oo xog ururin ka sameeyay qaybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Howsha qodista ayaa la filayaa inay socoto muddo u dhexeysa lix ilaa sagaal bilood, iyadoo lagu saleynayo xaaladaha cimilada iyo badda, waxaana mashruucan loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka tamarta iyo dhaqaalaha Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.