Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Mucaaradka Oo Shir Xasaasi Ah La Leh Odayaasha Dhaqanka

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha taagan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 26, 2026, 6:14 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
DAAWO: Mucaaradka Oo Shir Xasaasi Ah La Leh Odayaasha Dhaqanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha taagan.

Kulanka oo ka dacay hoteelka Jasiira ayaa la sheegay in looga hadlayo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Odayaasha dhaqanka ayaa horey kulamo gaar gaar ah ula yeeshay labada dhinac, iyagoo wada dadaallo lagu doonayo in lagu abuuro jawi wada-hadal iyo isu soo dhowaansho siyaasadeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan martigelisay dibadbaxyo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya kala aragti duwanaanta dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta, iyagoo sheegay in la qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo fal kasta oo halis gelin kara amniga guud ee caasimadda.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay kulanka socda, hase yeeshee waxaa si weyn isha loogu hayaa natiijada wada-hadallada iyo saameynta ay ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo lagu dhameyn karo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

15 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

15 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.