Wararka24: Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteen magaalada Muqdisho kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo fariimo ku aaddan amniga iyo xuquuqda shacabka u diray masuuliyiinta dowladda.
Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay howlgalada amni ee maalmahan ka socday caasimadda, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu eedeyn u jeediyay taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, isaga oo ku dooday in dhalinyaro lagu xiray aragtidoda oo ay ka hadleen.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu diyaarinayo warbixin ku saabsan saraakiil ay ku eedeynayaan ku xadgudubka xuquuqda shacabka, taas oo uu sheegay in lala wadaagi doono hay’adaha iyo daneeyayaasha kala duwan.
Dhanka kale, Khayre ayaa walaac ka muujiyay howlgalada habeenkii laga fuliyo guryaha dadka rayidka ah, isaga oo ku baaqay in baaritaannada amniga loo maro hab waafaqsan sharciga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Wuxuu sidoo kale dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay si nabad ah uga qeyb qaataan arrimaha bulshada iyo siyaasadda, isla markaana ay muujiyaan aragtidooda iyadoo la dhowrayo nidaamka iyo sharciga dalka.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay sii waday dhaliilaha ay u jeedinayaan dowladda federaalka, iyagoo ku doodaya in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin hadalladii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Khayre.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo doodaha la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka ay sii socdaan, halka dhinacyada siyaasadda ay ku baaqayaan wadahadal iyo is-afgarad lagu xalliyo khilaafaadka jira.
DAAWO

















